Bartamaha (Muqdisho):- Madaafiic qasaara badan sababay ayaa xalay lagu garaacay dhulka ay ku barakaceen dadka magaalada isaga cararay ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Fiidnimadii xalay ayay ahayd markii mar qura la maqlay Hoobiyayaal ku dhacaya Deegaanada KM.13 iyo Kaxda oo dhaca wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo madaafiic badan lagu garaacay.
Duqeynta ayaa bilaabatay markii Tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhigyada Ciidanka Amisom ee Jaamacadii Umada iyo Deegaanka Xoosh oo ay shalay soo dageen askarta Amisom taasi oo sababtay in madaafiic ay u soo rideen Jihadii looga soo tuuray Hoobiyayaasha.
Hoobiyayaasha shacabka Barakacaasha Buushasha ay daganyihiin loo sababay ayaa waxa ay dileen 8-ruux in ka badan 15-qof oo kale oo caruur u badana dhaawac ayaa ka soo gaaray madaafiicda xalay.
Madaafiicdii xalay ayaa dad badan waxa ay xasuusiyeen xiligii ay daganaayeen gudaha Muqdisho waqtigaasi oo Hoobiyayaal iyo PM looga barakiciyay dhismayaasha ay ka daganaayeen magaalada Caasimada ah iyagoo ka doortay dhismayaashii ay daganaayeen Buushash ka samaysan Baco iyo cooshado.
Dhaawacyada ayaa saaka loo soo gudbiyay Muqdisho markii xalay lagu baxnaaninayay Deegaanka KM.13 oo Isbitaalo gara loo leeyahay ay ku yaalaan kuwaasi oo gurmad caafimaad siiyay dhaawacyada.
Inta badan madaafiicda shacabka ay ku la’daan ayaa waxa ay dhacaan waqtiyada Islaamiyiinta ay garaacaan saldhigyada Ciidanka Dowlada ama kuwa Amisom taasi oo jawaabta ay ku dhacdo deegaanada laga tuuro Madaafiicda.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika