Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic aad u culus ayaa caawa waxa ay ku hoobanaysay xaafado ka mida Degmooyinka la isku hor’fadhiyo Ee Woqooyiga Magaalada Muqdisho kuwaasi oo in ka badan 20-Madfac ay caawa ku dhacday.
Duqeymahan ayaa waxa ay bilowdeen xilli laga soo baxay Salaadii Maqribka waqtigaasi oo madaafiicdii ugu horeysay ay ku dhacday xaafadaha Suuq Bacaad,Towfiiq iyo 4-jardiino oo dhammaan ka mida Degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho.
Madaafiicda ayaa waxa ay sidoo kale ku dhacaysay xaafada Nasii-Buundo,Sanca iyo Maarkalyooni halkaasi oo ka mida Degmada Shibis Ee Muqdisho.
Dhawaqa Madaafiicda Hoobiyayaasha iyo kuwa ka dhaca qoriga taangiga ayaa waxaa kale oo caawa laga maqlayay xaafadaha laga kala cararay Ee Degmada Kaaraan halkaasi oo inta badan dadkii daganaa ay horey isaga bara bexeen.
Duqeynta caawa ka socotay Xaafado ka mida Degmoyinka Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay qasaara kala duwan taasi oo gaartay dad rayid ah eek u haray xaafado ka mida Muqdisho
Inta la ogyahay waxaa gawaarida gurmadka Deg-dega ah ay qaadeen ilaa 15-ruux oo dhaawacya qaba kuwaasi oo ay ka daadgureeyeen goobaha la duqeeyay qarkood sida Deegaanada Suuq Bacaad iyo Towfiiq.
Duqeymaha iyo rasaasta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay noqotay mid joogta ka noqtay magaalada taasi oo inta ka hartay dadka ka cararay dhibaatooyinkaasi ay noqdeen kuwa la qabsada jadwalka duqeynta iyo xiliyada ay dhacdo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com
Muqdisho-Somalia.