Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Kooxda Xizbul Islaam Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in Dalka Soomaaliya ay ku casuumayaan Usama Bin Ladin.
Macalin Xaashi Maxamed Faarax Gudoomiyaha Xizbul Islaam Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay joogaan rag Muhaajiriin ah oo dagaal kula jira Dowlada iyo Amisom.
Macalin Xaashi ayaa sheegay in Dalka SOomaaliya uu yahay dal ka dhexeeya dhammaan Muslimiinta Caalamka isagoo sheegay in ay ku soo dhaweynayaan dhammaan Muslimiinta doonaysa ka qeybgalka dagaalka Jihaadka ah sida uu saxaafada u sheegay.
Sargaalkan Gobolka Banaadir u qaabilsan Xizbul Islaam ayaa intaasi ku daray in ay soomaaliya ku casuumayaan Usama Bin Ladin iyo dhammaan cid kasta ee la dagaalamaysa Gaalada sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Macalin Xaashi ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay joogaan kooxo aan u dhalan soomaaliya dagaalana kula jira Amisom iyo Dowlada oo garab taagan Alshabaab.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Bismillaah waryaa waxaad ka markhaanti kacday burbur, halaag, musiibo,meyd daadsan ooo lago faano,dhaawac la isa sii raaciyo, gacmo iyo lago la jaro oo sidii sambab muculaal loo tuuray dariiqyada waran,saqiirro gawraca waayeel u turid la’aanta,xabaalo qufidda heedhee dhiig laawe dalka rogmaday miyaad weliba noo sheegaysaa kan rogay afgaanistaan inuu dalkaagii iyo dadkaagii aad gacmahaaga ku rogtay inuu … , maydka iyo dhiigga qolqolaya.Dalka aniga iyo adiga ayuu ka dhexeeya . Somaaliya caaggii la oran jiray KULA LIHI MAAHA KHAA’INUL WADDAN YAHOW. CAANO DAATAY DABADOODA BAA LA QABTAAYE HAMBADA REEBA HABAAR IDIN KU DHAC HADDAAD HAMBADA REEBI WEYDAAN, RABBAA RAG NOOGA KIIN DHIGAYA. ADDUUNKA LAAMIYADA BAABUURTA IYO DADKU MARAAN AYAY AROOOOORTII HORE DHAQDAAN MEESHA INNAGU IS CUNAYNNO. QORIGA DHIGA IS CAFIYA ADDUUNKII NAGA TAG DAYAXA AYAY DAGEEN MEESHA QABUURAHA AAD FAGAYSAAN OO TAARIIKHDIINII AAD DAYACAYSAAN. UKAADSOHADDA, FIRST NABADDA, TACLIIMIN BADAN AYAY DADKU U BAAHAN YIHIIN.KUMA SOO KOOBI KARO HALAKAN WAXA QALBIGAYGA KA BUUXA WAA NA HALAAGTEENE ILMA ADEERA YAALOW ILAAHAY KA BAQA WALAALO BAYNNU NAHAYE.