Bartamaha(Baladweyne):-Maamulka Dowlada Fd Soomaaliya Ee Magaalada B/Weyne ayaa soo saaray amaro la xiriira ku dhaqanka shareecada Islaamka ka dib kulan balaaran oo ay yeesheen Xubnaha kala duwan Eek u sugan Deegaanadaasi.
Xubnaha Maamulada iskaashanaya Ee Maxkamadihii dowlada ku biiray iyo Maamulkii Yuusuf Dabageed oo ay garwadeen ka yihiin Xildhibaanada dowlada u wakiilatay Gobolkaasi oo shalay oo idil kulamo ku lahaa Magaalada B/Weyne ayaa ka soo saaray amarro ay ku farayaan daweynaha ku dhaqanka shareecada islaamka.
Madaxa Wacyi galinta Arimaha Bulshada Ee Maamulka dowlada Gobolka Hiiraan Macalin Aadan C.Salaan ayaa shaaca ka qaaday in maamulkoodu ay mamnuuceen in ay furnaadaan goobaha ganacsiga xiliyada salaada iyagoo shegay in maxkamad la soo taagayo cidii aan u hoggaansamin farintaasi.
Madaxa Wacyi galinta Arimaha Bulshada Macalin Aadan ayaa sheegay in ay haweenka ku amrayaan xirashada Xijaabka muddo ku siman 7-Maalmood ka dibna tallaabo laga qaadayo Haweenaydii amarkaasi u hogaansami weyda.
Waa Amarkii ugu horeeyay Ee Maamulka Dowlada Fd Soomaaliya ay shacabka ku faraan shareecada Islaamka tan iyo Ansixintii Baarlamanka Eek u dhaqanka shareecada Islaamka wadanka Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.