Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo oo ka Warbixiyey Amaanka guud ee eerabootka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolkani Jubbada Hoose

Posted on Aug 4 2009 - 8:19am by News Desk
Tweet
Pin It

Taliyaha Ciidanka Amaanka Garoonka Magaalad Kismaayo Sheikh Axmed Xasan Cali tartiib aya shaaca ka qaaday in Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu yahay mid la isku haleyn karo todobaadkii aynu soo dhaafnay ay kasoo dagtay Diyaarad Dawooyin u waday Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo,

 Asagoo baaq usoo jeediyay dhamaan umada soomaaliyeed ee ku kala nool Dalka iyo Dibadiisa Uguna baaqay in ay si toos ah u isticmaali karaan Garoonka Caalamiga ee Magaalada Kismaayo maadaama uu Aamanka Garoonka haatan yahay mid la isku haleyn karo , isla markaasina aysan jirin dhibaatooyin  xagga amaanka ah oo soo wajihi karo Amaanka guud ee Garoonka caalamiga ee Magaalada kismaayo Xarunta Gobolkani J/hoose,

 Si kastaba ha haatee hadalkan kasoo yeeray taliyaha Ciidamada Amaanka Garoonka Caalamiga Magalada kismaayo ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli Garoonka aysan jirin wax diyaarad ah oo sidaasi u buuran oo kasoo dago Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo  marka laga reebo Diyaarado mararka qaarkood Dawooyika soo gaarsiiya Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo

 

 

 

 

 

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha – Kismaayo, Somalia