Maamulka islaamiga Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku soo rogeen dadka ku nool Degmadaasi amaro kala duwan.
Madaxa Amniga maamulka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo Sheekh Faaruuq oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay soo saareen Amaro ay ka mid yihiin in Xiliyada Salaada aan la furi Karin goobaha ganacisga.
Madaxa Amniga ayaa sheegay in sidoo kale Qaadka lagu dhex iibin Karin gudaha Degmada Ceel-waaq, cidii lagu helana la marsiin doono talaabo waafaqsan arrintaasi.
Awaamiirtan ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyeen dadka ku nool Degmada Ceel-waaq, waxayna sheegeen in ay si aad ah ugu hogaansami doonaan, si ay ula shaqeeyaan Maamulka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Degmada ceel-waaq ee Gobolka Gedo.
Ma ahan markii ugu horaysay oo Amaro ay ka soo saaraan goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga islaamiyiinta, waxayna sidan oo kale amaro noocaan oo kale ka soo saareen Gobolada iyo Degmooyinka ay ka taliyaan xoogagaasi.
Xafiiska bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.com
Muqdisho somalia