Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa Maanta ka Jawaabay Hadalkii Afhayeenka Ciidamada AMISOM Oo ahaa in ay tagayaan Magaalyinka Kismayo iyo Baydhabo.

Posted on Jul 13 2009 - 6:28pm by News Desk
Tweet
Pin It

Waxaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay qabteen Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ay kaga jawaabeen Hadalkii shalay kasoo yeeray Afhayeenka Ciidamada AMISOM.

 Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa Shalay sheegay in ay Ciidamadooda awoodan in ay tagaan Gobollo badan oo kamid ah Dalka sida Kismaayo, Marka iyo Baydhabo.

 Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub oo Maanta ka hadlayay Shirkani Jaraa’id ayaa Hadaladiisa waxaa kamid ahaa

“Waxaan u aragnaa Hadalka kasoo yeeray Afhayeenka Ciidamada Calooshood u shaqeystayaasha ah ee AMISOM mid aan mecno weyn sameyneyn waayo waxay go’doon ku yihiin goobo Cayiman oo aysan awoodin in ay dibadda uga soo baxaan”

 Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Gudaha Soomaaliya ay la dagaalamayaan, Sidoo kalena in ay Diyaar u yihiin sidii ay uga hortagilahaayeen Cid waliba oo Duulaan ku ah Shacabka Soomaaliyeed

 Hadalkaan kasoo yeeray Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Xilli Maalinimadii shalay uu Afhayeenka Ciidamada AMISOM uu sheegay in ay Tagi Doonaan goobo ka Baxsan Magaalada Muqdisho

 

Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

 

Bartamaha-Kismayo