Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo Deeq Raashiin ah Gaarsiiyay Dadka Barakacayaasha ee Ku dhaqan Xerooyinka ku yaal Magaalada Kismaayo.

Posted on Dec 21 2009 - 3:58pm by News Desk
Tweet
Pin It

bartamaha

Bartamaha(kismayo);-Howlahani cunno qeybinta ah ee ay maanta bilaabeen maamulka islaamgia ah ee gobollada jubooyinka ayaa waxa deeq raashiineed lagu gaarsiinayay xerooyinka ay ku noolyihiin Dadka barakacayaasha ah ee ku yaal magaalada Kismaayo.

Waxaana howlahani Cunno qeybinta ah iska kaashanaya Maamulka Islaamiga ah ee Magalada Kismaayo iyo Hay’ada ICRC ee fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo, waxaana cunooyinkaasi loo qeybinayaa Dadka barakacayaasha ee ku jira Kaamamka ku yaal Magaalada Kismaayo, iyadoona saaka la arkayay xerooyinka ay ku jiraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo ay buuxdhaafiyeen Gaadiid aad u fara badan kuwaasoo ay ku rarnaa cunno isugu jirtay Galley, Digir iyo Saliid, waxaana qoyskiiba la sheegay in uu qaadanayo Loor galley, Haaf Digir ah iyo Tobanle Saliid ah.

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka kaamamka ee ku yaal gudaha magaalada kismaayo oo aan maanta la kulmay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin raashiinka ay soo gaarsiiyeen maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka iyagoo sidoo kalena ka codsaday maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka in ay u qodaan ceelal iyo Musqulo madama ay haatan isticmaalaan musqulo aad u yar dadka ku dhaqan xerooyinkana ay aad u badanyihiin.

 

sikastaba ha ahaatee howlahani cunno qeybinta ah ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii ugu danbeeyay xaalad nololeed oo aad u adag ay soo foodsaartay dadka ku nool xerooyinka barakacayaasha ah ee ku yaal magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.

 

Wararka Xaqiiqda ah kala soco

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha

Kismayo-Somalia