Â
Bartamaha(Kismaayo):-Maamulka Islaamiga ee ka arimiya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta soo saaray amaro ku aadan gaadiidka isticmaala gudaha Wadooyinka Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.
waxaa maalmihiidanbe jiray howlgalo ay wadeen xafiiska lanta nabadgalyada wadooyinka ee Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo uu ku sifeynayay Wadooyinka Magaalada Kismaayo iyadoo maantana amaro ku aadan gaadiidka laga soo saaray Magaalada Kismaayo.
Sheekh Ibraahim oo ah madaxa Xafiiska amaanka wadooyinka Magaalada Kismaayo oo warfidiyeenada la hadlayay ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku mashquulsanaayeen sidii ay u furi lahaayeen wadooyinka ay xireen dhagxaanta iyo wasaqda waxaana uu haatan ku amray gaadiidka in ay si tartiib ah u maraan wadooyinkaasi.
Gawarida Raaxada iyo nuuca dadaweynaha ayaa waxaa lagu amray in ay si deganaansho ah ku maran wadooyinka haatan la nadiifiyay maadaama wadooyinku hadda ay yihiin kuwa la furay oo aad u balaaran.
sikastaba ha ah ahaatee waxaa mudooyin kii ugu danbeye magalada kismayo kusoo badanaaye shilalkagaariga oo aya geysanayaan gadiidka raaxada oo ayaga buux dhaafiye wadoowinka waaween ee dhaxmara gudaha magalada kismayo waxaan dadbadan oo ku dhawac may shilalkaasi kuwaasi oo lagu dabiibayo xaladooda cafimaad isbitaalka guud ee magalada Kismaayogobolka J/hoose
Ismaaciil Cali Cabdi
 Kismayo-Somalia
Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com Â
Â