Maamulka Isbitaalka Madiina oo balan ku qaaday in aanay waraaqihii shalay shaqadooda u joojin doonin.

Posted on Oct 8 2009 - 5:25pm by News Desk
Tweet
Pin It

madiina_hosbital1Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Isbitaalka Madiina ayaa shaaca ka qaaday in aanay shaqdooda u hakin doonin hanjabaad iyo qoraalo la daadiyo balse shaqada shacabka ay sii wadayaan.

Agaasimaha Guud Ee Isbitaalka Madiina Dr.Maxamed Yuusuf oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aanay shaqadooda hakin doonin islamarkaana ay diyaar u yihiin in shacabka ay u dhintaan.

Dr.Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in kooxo dan gaar ah leh oo aan bulshada u naxaynin ay qoraalada daadiyeen balse Maamulka iyo Shaqaalaha ay go’aansadeen in howsha ay sii wataan .

Agaasimaha ayaa qiray in cabsi guud ay iska jirto balse aanay shaqalada shacabka uga tagi Karin qoraal meel la soo dhigay iyo sawirada bamboo iyo bastoolad aan la ogayn ujeedada ka danbeysa.

Maamulka ayaa waxa ay ku baaqeen in Shacabka ay la saftaan Maamulka si loo caawiyo Shacabka dagaalada iyo madaafiicda ay waxyeelada ka soo gaarto oo inta badan la geeyo xarunta Isbitaalkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.