Bartamaha(Baydhabo):-Maamulka Xarakada Alshabaab Gobolka Bay ayaa waxa ay bilaabeen dayactir ay ku samaynayaan Buundada Deegaanka Daynuunaay halkaasi oo uu soo gaaray bur-bur xoogan.
Madaxda Kooxda Alshabaab Gobolka Bay ayaa la sheegay in ay amreen dayactir lagu sameeyo Buundadaasi ka dib markii dhawaan uu shil ka dhacayu kaasi oo burbur xoogan keenay.
Howlo dhagax dhig ah ayaa buundadaasi lagu sameeyay iyadoo la filayo in uu bilowdo dayactir buuxa oo lagu sameeyo buundada Daynuunaay xilli ay adkaatay maritaanka gaadiidka.
Â
Buundada Daynuunaay ayaa waxa ay tahay mid muhiim u ah dhaqdhaqaaqa gaadiidka Gobolada Bay iyo Gedo halkaasi oo ay u sii maraan inta badan gaadeedka islamarkaana ay ku kala leexdaan.
Â
Dayactirkan ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii dhawaan uu gaari ku rogmaday buundadaasi taasi oo keentay in qeyb ka mida buundada ay dunto gawaariduna ay ku adkaatay maritaanka Buundada Daynuunaay.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.