Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta madaxdooda ay ku shireen Xarunta Maamulkaasi ayaa waxa ay ku faaqideen in Muqdisho ay ka bilaabaan canshuur aruurin.
Madaxda Maamulka Gobolba Banaadir ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho iyagoo ka wada hadlay arimaha ammaanka iyo isbadalka Caasimada Muqdisho.
Kulanka maanta ay yeesheen Madaxda Gobolka Banaadir ayaa waxa ay isku waafaqeen in Muqdisho laga bilaabo canshuur aruurin taasi oo laga qaadayo dhammaan Deeganada ay Dowlada maamusho.
Afhayeenka Gobnolka Banaadir Maxamed Cariig oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kulanka ka dhacay maanta Xarunta Gobolka looga tashaday ammaanka guud ee Deegaanada Muqdisho.
Kulanka ayuu xusay in la isku raacay in dhawaan Muqdisho laga bilaabayo canshuur aruurin si ammaanka magaalada wax badan looga badalo oo canshuurtaasi bulshada laga qaadayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia