Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxmed Cismaan dhagaxtuur  oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan
Maxamad Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in ay hay’adaha gar’gaarka Qaramada Midoobe ay ka gaabiyeen wax u qabashada shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir isagoo ku Eedeeyay samaynta been abuur baaxad weyn.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Qarmada Midoobe ay xafiisya ka samaysteen Magaalada Nairobi islamar’ahaanataana halkaasi ay ka sameeyaan warbixino ay dhaqaale ku raadinayaan.
Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa farta ku fiiqay hay’adaha qaar Ee QM kuwaasi oo uu sheegay in ay u gudbiyaan Xog-hayaha Guud Ee Qaramada Midobe qoraalo been abuur ah kuwaasi oo ay ku sheegaan in ay wax ka qabtaan dhibaatada shacabka Muqdisho ku haysata.
Hadalkan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadira ayaa sidoo kale lagu sheegay in aanay jirin cid gacan siisay shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir oo inta badan ah kuwa isaga cararay Magaalada balse u baahan gar-gaar bin’aadanimo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.