Maamulka Dekada Muqdisho iyo Wasiirka Dakadaha oo si wada jir ah isaga fogeeyay eedeyn kaga timid dhanka gaadiidleyda Dakada Muqdisho.

Posted on Jun 15 2009 - 5:27pm by News Desk
Tweet
Pin It

dakada-muqdisho1Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Gadiidka Badda Iyo Dakada Maxmed Ibraahim Xaabsade Iyo Maareeyaha Dakada Muqdisho Cabdi Jiinow oo manta saxaafada kula hadlay gudaha dakada Muqdisho ayaa been abauur ku tilmaamay in gaadiidka ay leeyihiin ay sharci daro ku isticmaalaan gudaha dakada Muqdisho.

Wasiirka Gadiidka Maxmed Ibraahim Xaabsade ayaa shegay in aanu isagu lahayn wax gaadiid xamuul ah iyo kuwa Wiishasha ah balsse ay ganacsatada gaadiidka aanay raali ka ahayn sharciga kala danbaynta qaabka shaqada dakada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan gaadiid ay leedaha dowlada Fd soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in howlaha ay Dakada ka hayaan ay u haystaan Fasax madaxda sare ka yimid taasina ay tahay mid nidaam ah.

Dhanka kale Maareeyaha Dakada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin shaqa joojinta ay ku dhaqaaqeen qaar ka mida gaadiidleyda Muqdisho.

Masuulkaasi ayaa dhankiisa si weyn isaga fogeeyay in gawaari uu leeyahay ay sharci daro u galaan dakada iyagoon soo marin Failka kala danbaynta gaadiidka Xamuulka iyo kuwa Wiishahka wada .

Hadaladan isku tuur-tuurka ah ee ka soo baxay madaxda dowlada Fd soomaaliya u qaabilsan xagga Dakada Muqdisho iyo Wasiirka Dakadaha ayaa ku soo aadaya xilli maalintii labaad ay shaqa joojin wadaan gaadiidlaydii ka shaqeynayay Dakada Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia