Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Cusub Ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya oo ay wada shaqeyn ka dalbadeen.
Gudoomiyaha Cusub iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya oo ay kala hadleen ariha shaqada iyo ammaanka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur “Nuune†ayaa Saxaafada u sheegay in ay Wasiirka Arimaha gudaha hala hadlayeen arimaha Nabadgalyda iyo wada shaqeynta.
Gudoomiyaha la magacaabay ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ka war qabo dhibaatada Caasimada ka taagan oo xagga ammaanka u badan taasi oo u baahan wax ka qabsho deg deg ah.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.