Maamulka Alshabaab Muqdisho oo maanta digniin u jeedinayay Bulshada Muqdisho.

Posted on Oct 4 2009 - 4:52pm by News Desk
Tweet
Pin It

aslahabababaBartamaha (Muqdisho):-Maamulka Xarakada Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay g’aano lagu soo rogay shacabka caasimada iyo digniino bulshada loo jeediyay.

Hogaamiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamuud Xuseen ayaa maanta bulshada Muqdisho u jeediyay hanjuabaadyo la xiriira dhanka dhaqanka.

Gudoomiyaha  ayaa waxa uu sheegay in talaabo ay ka qaadayaan ciddii aan u hogaansimin amarada Xarakada ka soo baxaya ay talaabo ka waadayaan.

Xarakada Alshabaab ayaa waxa ay sheegtay in ay  mamnuuc tahay Dameerada dhaawacyada qaba ee lagu shaqeysanayo taasi oo ay Xarakada sheegtay in talaabo ay ka qaadi doonto xamaaligii arintaasi lagu helo.

Xarakada ayaa dhanka kale uga digtay ganacsatada suuqyada in ay shaqada wataan xiliyada Salaadaha iyadoo dalbatay in la joojiyo dhammaan ganacsiga xiliga salaada.

Haweenka Muqdisho ayaa Xarakada waxa ay ugu digtay xijaab la’aanta iyadoo sheegtay in ay talaabo ka qaadayso ciddii Ciidamad ay soo qabtaan.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.