Maamulka Alshabaab Kismaayo oo ka dalbaday dhalinyarada in ay u diyaar garoobaan difaaca Jubooyinka

Posted on Feb 7 2010 - 5:34am by News Desk
Tweet
Pin It

xassa yaquubBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Kooxda Alshabaab Kismaayo ayaa ku baaqay in loo diyaargaroobo la dagaalanka Ciidamada ku soo duulaya Deegaanada Jubooyinka.

Sheekh Xasan Yacquub Cali Afhayeenka Shabaab Kismaayo ayaa ku baaqay in loo diyaargaroobo la dagaalanka Ciidamada ku soo duulaanka ah Deegaanada Jubooyinka.

Afhayeenka ayaa ka dalbaday dhalinyarada in ay iska xaadiriyaan Xafiiska Diiwaan galinta Jihaadka si ay uga qeyb galaan la dagaalanka Ciidamada uu Cadaowga u yaqaano ee ku soo duulaya Jubooyinka.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in ay Jilibka u aasanayaan Difaaca Shareecada iyo Deegaanada looga dhaqmo Ee Jubooyinka isagoo ku baaqay in dhalinyarada ay dagaal u diyaargaroobaan.

Afahyeenka ayaa sheegay in ay mar waliba dagaal diyaar u yihiin islamarkaana ayKooxdii soo weerartaa ay jab iyo hlaag kala kulmi doonaan Magaalooyinka Jubooyinka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.