Maamulka Alshabaab Kismaayo oo amar dul dhigay ganacsatada waratada ah.

Posted on Mar 28 2010 - 10:01am by News Desk
Tweet
Pin It

RaashinBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa amar dul dhigay ganacsatada waratada ah Suuqyada Magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Maamulka Alshabab Kismaayo ayaa gacsatada waratada ah lagu faray in ay maalmo gudaheed uga guuraan wadooyinka magaalada.

Maamulka Alshabaab ayaa gacansatada faray in ay isaga guuraan wadooyinka isagoo ugu hanjabay in ganaax lacageed la dul dhigayo haddiii aanay u hogaansamin amarka maamulka.

Maamulka ayaa waxa uu shegay in go’aanka ugu danbeeyay laga gaaray dhammaan ganacsatada Waratada ah iyadoo talaabo cad oo ay ku weynayan ganacsigooda laga qaadayo.

Maamulka ayaa waxa uu amray in ay samaystaan Dukaamo logo talagalay ganacsiga islamarkaana ay u guraan suuqa ay maamulka uga diyaariyeen Xaafad ka mida Magaalada Kismaayo.

Amarkan maamulka ka soo baxay ayaa waxa uu imaanayaa xilli ganacsatada waratada ah ay dhibaato ku qabaan ciidamo inta badan ka erya wadooyinka ay ku ganacsadaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.