Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed oo Muqdisho Maanta laga xusay(Warbixin Tacadiyada Suxufiyiinta)..

Posted on Jan 21 2010 - 5:56pm by News Desk
Tweet
Pin It

bartamahaaBartamaha(Muqdisho):-Maanta oo ku beegan 21-ka bisha janaayo ayaa waxa ay ahayd Maalinta Xuriyada Saxaafada Soomaaliyeed iyadoo loo dabaal dagay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Meelaha lagu qabtay munaasabadahan waxaa kamid ah xarunta wasaaradda warfaafinta ee dowladda KMG ah halkaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin katirsan dowladda KMG ah ee Somalia.

R/wasaare ku xigeenka 1-aad ee dowladda KMG ah C/raxmaan Xaaji aadan Ibi oo maanta ka hadlay Munaasabada Maalintsa saxaafadda Somalia ayaa ugu hambalyeeyay saxafiyiinta Somaliyeed maalinta Saxaafadda.

Waxaana uu xusay in wariyayayaasha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan marxalada adag isagoo u raxjeeyay sanadkan kiisa kale in ay ku gaaraan nabad iyo hor mar Saxaafadeed.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Daahir Max’uud Geelle ayaanan ka soo qeyb galin Munaasabadii maanta ka dhacday Xarunta Warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Munaasabadda maalinta saxaafadda Somalia oo loo aqoonsaday in ay tahay 21-ka Janaayo muddo iminka laga joogo 37 sano ayaa laga xusay magaalooyin ku yaala koonfurta iyi bartamaha Somalia.

Sanadkan waxaa maalinta Saxaafadda ay ku soo beegantay xilli xaalad adag ay ka jirto dalka islamarkaana Wariyayaasha dhibka ay la qabaan bulshada ka sokow ay jiraan tacadiyaal iyaga si gaar ah loogu geysto.

 

Tacadiyada Suxufiyiinta Soomaaliya loogu Geystay:-

1- Abdulkhafar Abdulkadir, Wariye madax bannaan
December 3, 2009, lagu dilay Muqdisho.

2- Mohamed Amin, Radio Shabelle
December 3, 2009,  lagu dilay Muqdisho.

3- Hassan Zubeyr Haji Hassan, Al-Arabiya
December 3, 2009,  lagu dilay Muqdisho.

4- Mohamud Mohamed Yusuf, Radio IQK
July 4, 2009,  lagu dilay Muqdisho. 

5- Mukhtar Mohamed Hirabe,  Radio Shabelle
June 8, 2009, lagu dilay Muqdisho.

6- Nur Muse Hussein,  Radio IQK
May 26, 2009, lagu dilay Beledweyn.

7- Abdirisak Mohamed Warsame, Radio Shabelle
May 22, 2009,  lagu dilay Muqdisho.

8- Said Tahlil Ahmed, HornAfrik
February 2, 2009,  lagu dilay Muqdisho.

9- Hassan Mayow Hassan, Radio Shabelle
January 1, 2009, lagu dilay Afgoye.

10- Nasteh Dahir Farah, wariye madaxbannaan  & BBC
June 7, 2008, lagu dilay Kismayo.

11- Hassan Kafi Hared, SONNA
January 28, 2008, lagu dilay Kismayo.

12- Bashiir Nur Gedi, Radio Shabelle
October 19, 2007, lagu dilay Muqdisho.

13- Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey,  Radio Banadir
August 24, 2007, lagu dilay Muqdisho.

13- Mahad Ahmed Elmi,  Capital Voice
August 11, 2007, lagu dilay Muqdisho. 

14- Ali Iimaan Sharmarke,  HornAfrik
August 11, 2007,  lagu dilay Muqdisho. 

15- Ahmed Hassan Mahad,  Radio Jowhar
May 16, 2007, lagu dilay Jowhar.

16- Abshir Ali Gabre,  Radio Jowhar
May 16, 2007, lagu dilay Jowhar.

17- Ali Mohammed Omar,  Radio Warsan
February 16, 2007, lagu dilay Baydhabo.

18- Mohammed Abdullahi Khalif,  Codka Nabada
May 5, 2007, lagu dilay Galkacyo.

19- Martin Adler, wariye madax bannaan
June 23, 2006,  lagu dilay Muqdisho.

20- Duniya Muhyadin Nur,  Capital Voice
June 5, 2005, lagu dilay Afgoye.

21- Kate Peyton,  BBC
February 9, 2005, lagu dilay Muqdisho.

22- Abdullahi Madkeer,  DMC Radio
January 24, 2003, lagu dilay Baydhabo.

23- Ahmed Kafi Awale,  Radio of the Somali People
January 26, 2000, lagu dilay Muqdisho.

24- Marcello Palmisano, RAI
February 9, 1995, lagu dilay Muqdisho.

25- Pierre Anceaux, wariye madax banaan
August 31, 1994, lagu dilay Baydhabo.

26- Ilaria Alpi,  RAI-3 Television
March 20, 1994,lagu dilay Muqdisho. 

27- Miran Krovatin, RAI-3 Television
March 20, 1994,lagu dilay Muqdisho.

28- Anthony Macharia, Reuters
July 12, 1993, lagu dilay Muqdisho.

29- Hansi Krauss,  Associated Press
July 12, 1993,  lagu dilay Muqdisho.

30- Dan Eldon,  Reuters
July 12, 1993,  lagu dilay Muqdisho.

31- Hosea Maina, Reuters
July 12, 1993, lagu dilay Muqdisho.

32- Jean-Claude Jumel, TF-1
June 18, 1993, lagu dilay Muqdisho. 

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.