Bartamaha(Jig-jiga):-Dowlada Ethiopia ayaa muddo bilk u dhow xabsi qarsoodi ah ku haysa Laba Xildhibaan iyo nin Sargaal sare ka ah maamulka Dowlada Gobolka Hiiraan.
Labada Xildhibaan iyo ninka sargaalka ah ayaa waxaa la xeray ka dib dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan oo ay Ahlu sunnah iyo Dowlada kmg ah ay ku fashilmeen dagaalkaasi.
Xildhibaan Xuseen gaagaale iyo Xildhibaan C/Laahi Farey oo uu la socday Col.Axmed ugaas ayaa la qabtay dhamaadkii bishii la soo dhaafay xiligaasi oo xabsiga loo taxaabay gudaha Jigjiga.
Xildhibaanada ayaa waxa ay ka tageen Hiiraan iyagoo doonayay in ay Addis Ababa gaaran si ay halkaasi ugu sii sugnaadaan muddo inta xaal;ada Hiiraan ay dhinac u dhacayso oo khilaaf uu ka dhexeeyay ahlu sunnah iyo dowlada.
Labada Xildhibaan iyo Sargaalka ayaa waxaa laga dayrinayaa Xaalada nololeed o ay ku suganyihiin oo laga yaabo in dhibaato badan ay soo wajahdo maadaama aanay jirin cid ka war haysa xabsiga ay ku jiraan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.