Laba nin oo Miino ay dhigayeen ku qaraxday.

Posted on Oct 10 2010 - 6:08pm by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha (Gaalkacyo):- Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay gudaha Magaalada Gaal-kacyo Ee Gobolkaasi Mudug.

Qaraxa Miinada ayaa sababay dhimashada 2-qof oo ahaa kuwii aasayay Miinada qaraxday oo kula kacday wado ay dhigayeen gudaha Xaafada Garsoor  Woqooyiga Magaalada Gaal-kacyo Ee Maamulka Puntland.

Qaraxa Miinada ayaa markii uu dhacay waxyar ka dib waxaa gaaray xaafadaasi ciidan xoog badan oo bilaabay baaritaan culus iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka ee agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Baaritaan ka dib ayaa la ogaaday in Labada Nin ee dhimatay ay ahaayeen kuwii Miinada dhigayay oo laga helay qeybo jirkooda ah qalabkii ay ku aasayeen Muunada iyo sidoo kale Rumuudkii Miinada ay aasayeen.

Goobta Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay ahayd goob socodka dadka uu ku yaryahay balse Ciidanka Puntland iyo masuuliyiinta magaalada qaarkood ay aad u isticmaalaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].