Kulankii Madaxda Jaamacada Carabta oo maanta ka furmay Magaalada Sirta Dalka Liibiya (Daawo Sawirada).

Posted on Mar 27 2010 - 7:03pm by News Desk
Tweet
Pin It

shar9Bartamaha(Sirta):-Kulanki guud ee madaxda Jaamacada Carabta ayaa maanta ka furmay Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya iyadoo Madaxweynayaal badan ay ka maqanyihiin madasha shirka.

Kulanka Madaxweynahaasha Carabta oo noqonaya kulankii 22-aad ayaa maanta ka furmay Dalka Liibiya magaalada nasashada ee Sirta halkaasi oo madax badan ay maanta kulanki furitaanka xaadireen.

Kulankan ayaa waxa uu yahay mid madax badan ay qaadaceen ka qeybgalkiisa waxaana loogu magic daran ajandaha looga hadlaayo Taageerida Difaaca Magaalada Qudus ee ay yuhuudu gumeysato.

Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa  ayaa galabta ka furay magaalada Sirta kulankii guud ee madaxda Jaamacada Carabta iyadoo halkaasi ay Soomaaliya u matalayaan wafdi uu madaxweyne Shariif hogaaminayay

Shirka maanta furmay ayaa waxa uu u muuqdaa mid khilaaf iyo kala fogaansho sababay waxaana gobosha shirka xaadiray madaxda kala ah:-

-Madaxweynaha Al-Jeria C/casiis Butafliiqa

-Muritaaniya Max’ed Walad C/casiis.

-Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

- Max’ud Cabaas Abu Maazin Madaxweynaha falastiin.

-Sheekh Shariif Sheekh Amxed Madaxweynaha DKMG.

- Amiirka Kuweyt Sheekh Sabaax

-Boqorka Urdun C/lla A’saani.

Waxaa madasha ka maqnaa oo aan ka muuqan madaxweynayaasha kala ah:-

Madaxweynaha Masar Max’ed Xusni Mubaarak oo dhawaan qaliin lagu sameeyey lana sheegay inuu nasasho ku jiro.

-Amiirka Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliifa bin Zaayid aala Nahyaan.

-Boqorka Baxreyn Xamd bin Ciisa Aala Khaliifa

-Suldaanka Cumaan Qaabuus bin Sacad.

-Madaxweynaha Lubnaan Mishal Suleymaan oo xurguf ay kala dhaxayso Liibiya.

-Boqorka Marooko Maxamed A’saadis.

-Madaxweynaha Ciraaq Jalaal Dalabaani.

Iyo Boqorka Saudi Arabia Boqor Cabdalla.

Daawo Sawirada Shirka Madaxda Carabta:-

Shar1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

sh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

sh44

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

shar9

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

shirkaguud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

shi

 

 

 

 

 

 

shar4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia