Bartamaha (Muqdisho):- Kulankii Baarlamanka oo saaka la filanayay in looga doodo kalsoonida Xukumada ayaa baaqday xilli dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dhex dareemayo Xildhibaanada.
Wararka naga soo gaaraya Guriga Umada ayaa sheegaya in Kulankii saaka lagu waday in ay qaataan mudanayaasha Baarlamanka uu baaqday xilli la filayay in Xukumada awood lagu siiyo ama meesha looga saaro.
Xukumada Cumar C.rashiid ayaa waxaa horay loo soo gaarsiiyay dalab ka yimid Baarlamanka kaasi oo dhashay markii Mowshin ka dhan ah Sharma’arke la geeyay hoolka shirarka Baarlamanka.
Xildhibaanada oo xilli walba looga bartay kala raacsanaanta awoodaha saddexda ah ee Dowlada ugu saraysa ayaa waxaa ay u kala qeybsamayn Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo la aaminsan yahay in ay kala adeegsanayaan Mudanayaasha Baarlamanka.
Kulanka saaka la filayay ayaa waxa uu ahaa mid looga doodi lahaa Xukumada Sharma’arke iyo shaqooyinkeeda xilli horay aan loo siin awooda kalsoonida Baarlamanka KMG ah oo ay ka meer meertay in ay hortagto Baarlamanka.
Muddo dheer oo la qorsheynayay in Xuklumada KMG ah lala xisaabtamo ama shaki la galiyo kalsoonideeda ayaa waxa ay saaka xaaladu maraysay in Xukumada Xilka laga tuuro oo meesha awoodeeda laga saaro.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo warbaahinta Caalamka qarakood waraysi siinayay ayaa muujiyay in la qorsheynayo in Xukumadiisa meesha laga saaro balse waxa uu cadeeyay in marnaba aanu hortagi doonin Baarlamanka.
Sharma’arke ayaa maalmihii ugu danbeeyay muujinayay Khilaaf adag oo kala dhexeeya Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Dowlada KMG ah oo saluugsan qodobo ka mida Dastuurka Qaranka.
Wixii ku soo kordjha is jiid iidka jiraa kala soco www.Bartamaha.Com Soo bandhigaha wararka sugan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika