Bartamaha(Muqdisho):-Warar laga helaayo Madaxda Baarlamanka ugu saraysa ee haatan dalka ku sugan ayaa waxa ay sheegayaan in la baajiyay maanta kulankii Baarlamanka uu qaadan lahaa.
Kulanka Maanta lagu balansana in uu ka dhaco Xarunta Gurigii Umada ayaa waxaa ku dhacay dib u dhac markii Madaxda Baarlamanka ay isku raaceen in la baajiyo Kulankaasi.
Prof.Dalxa Gudoomiye Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka ayaa dhawaan Iclaaimiyay in kulanka Baarlamanka uu dhacayo Maanta oo taariikhda tahay 016/04/2010 wallow dib uu baajiyay.
Warar hoose oo la helaayo ayaa sheegaya in Madaxda Baarlamanka ay u cabsadeen Xilalka ay hayaan oo Mudanayaal badan ay shalay ku baaqeen in la doorto shir guddoon cusub maadaama xilkii madaxda Baarlamanka uu dhamaaday.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia