Kulanki Baarlamanka oo maanta mar kale Baaqday iyo Gudoomiyaha Baarlamanka oo carro uga maqnaaday guud ahaan shirka.

Posted on Dec 27 2009 - 5:42pm by News Desk
Tweet
Pin It

03Bartamaha(Muqdisho):-Waxaa maanta mar kale baaqday shirkii caadiga ahaa Ee Baarlamanka Dowlada Soomaaliya markii Xildhibaanada la waayay badankood iyo Gudoomiyaha oo ka xanaaqay qaabka shaqada Mudanayaasha.

Maanta ayaa waxaa mar kale baaqday kulankii baarlamanka Soomaaliya markii la waayay inta badan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya kuwaasi oo ka cabsaday duqeynta joogtada ah.

Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shalay si cara leh u hadlay isagoo dhaleeceeyay mudanayaasha dalka joga iyo kuwa dibada iska jooga oo aan kulamada imaanaynin.

Gudoomiyaha ayaa waxaa la sheegay in uu telfon kula soo xiriiray Nidaamiyayaasha Baarlamanka markii uu ogaaday in kulanka aanu Kooram buuxsamaynin ayuu iska jeeftay oo aanu hoygiisa soo dhaafin.

Xildhibaanada tagay Hoolka shirarka ayaa qaarkood waxa ay balan ku qadeen in aanay Naftooda u soo haligi doonin kulanka Baarlamanka haddii maalin waliba uu baaqanayo.

Saalax Badbado oo Baarlamanka Soomaaliya ka mida ayaa sheegay in kulanka Baarlamanka uu noqday mid cayaar cayaar ah oo aan Natiija lahayn islamarkaana aanu ku soo lug go’I doonin mar kale.

Lama oga go’aanka laga qaadan doono shirka guud ee baarlamanka maadaama illaa xiligan an la garan ujeedada shirka uu u dhici la’yahay iyadoo inta badan ay maqanyihiin Mudanayaasha Baarlamanka Soomaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.