Kulan looga hadlayay Ammaanka Puntland oo Madaxweyne Faroole la yeeshay Golahiisa Wasiirada.

Posted on Feb 25 2010 - 7:40am by News Desk
Tweet
Pin It

faroole_2Bartamaha(Garoowe):-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland ayaa kulan ammaanka looga hadlayay la yeeshay Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa kulan saacada qaatay la yeeshay golihiisa wasiirada isagoo kala hadlay arimaha ammaanka Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxa uu la shiray Wasiirada ammaanka ku shaqada leh iyo qaar kale oo tala ka geysanayay ammaanka sidii wax looga badali lahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Wahaab Maxamed Faarax oo saxaafada uga waramay kulanka Madaxweynaha uu la qaatay wasiirada ayaa waxa uu sheegay in ammaanka looga tashanayay.

Wasiir Xigeenka Warfaafinta ayaa intaasi ku daray in la isla meel dhigay in laga wada shaqeeyo ammaanka guud ahaan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in dhammaan mar kaliya la howlgaliyo dhammaan Ciidamada qeybahooda kala duwan si looga sifeeyo dalka Kooxaha qaska iyo qalaanqalka ka wada Deegaanada Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.