Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano Mucaarad ku ah sii haynta Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa la shiray Madaxweyne Shariif iyadoo kulnakaasi oo fashil ku dhamaaday.
Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa xalay ku shiray Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Shariif kaasi oo fashil ku dhamaaday.
Kulanka oo ahaa mid in mudda ah ka socanayay aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa yeeshay Mudanayaasha Baarlmaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha iyadoo laga dalbaday Xubnaha Baarlamanka in ay iska joojiyaan hadalada warbaahinta ay ka jeedinayaan.
Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka mida Xildhibaanada Baarlamanka oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uus heegay in ay Madaxweynaha u jeediyeen dalabkooda ku aadan in la doorto gudoomiye Baarlamaan.
Xildhibaan  Badbaado ayaa waxa uu qiray in ay ka diideen madaxweynaha oo dalbaday in la joojiyo dhammaan Mucaaradnimada iyo doonista Xil ka qaadida Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxa uu ku dhamaaday fashil markii Madaxweynaha uu diiday dalabka Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Siyaasada Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo qaba in ay dhamaatay mudada uu xilka hayn lahaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.