Bartamaha(Kampala) Kulan balaaran oo ay magaalada kampala ee dalka Uganda ku yeesheen Masuuliyiin ka socotay culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah iyo golaha sare muslimiinta dalka Uganda.
Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo sidoo kale si ka fool kafool ah loo kulmo oo dhexmara golaha sare ee islaamaka iyo culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah ayaa waxa uu ka dhacay masjidka ugu weyn ee dalkaasi .
Labada dhinac waxa ay ka wadad hadleen xiriirka u dhaxeeya majlisul aclaha dalkaasi iyo culumada ahlusnna , ayagoo siwayn ula fa guray xaalada dhabta ah ee ka taagan soomaaliya .
Waxaa shir jaraaid qabtay markii uu shirku dhamaaday Prof: Mohammed C/Wali isagoo faafaahin ka bixiyay waxa ay kala hadleen golaha sare ee mulimiinta dalka Uganda .
Waxa uuna qodobeeyey wax yaalihii laysku afgartay labada dhinac :
- culumaaudiinka ahlusnna waljamaaacah waxa ay majlisul aclaha dalkaasi ka codsadeen in uu kaalmo biniaadan nimo la soo gaaro shacabka soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalkaasi .
- In labada dhinacba ay si joogta ah u kala warqaataan bal waxa ku soo kordhay xaalada cakiran ee uu dalku ku jiro .
- In la wacyi galiyo bulshada soomaaliyeed ee dalkaasi sidii ay uga qeyqaadan lahaayeen xasiloonida iyo amaanka dalka UGANDA .
Dhamaan qodobadaasi iyo qodobo kaleba labada dhinacba waa isku afgarteen , ayagoo markii danbena shir albaabada u xiranyihiin wada galay , lama oga waxa dhabta ah oo ay ka wada hadleen intii ay ku guda jireen shirkaasi .
Masuuliyiintii ahlusunna ee ka qeybgalay kulankaasi waxa kamid ahaa :
1:Gudoomiyaha maamulka culumada ahlusuna ee wadanka Uganda.sheekh c/qaadir ibraahim suni,
2. Gudoomiye kuxigeenka,sheekh axmed salaad kadiye.
3.Prof.Max’ed C/walli sh yuusuf .
4.Madaxa arimaha bulshaee culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah ee dalkaasi ,sheekh ismaaciil sh cali rooraaye,
5.Macalin maxamed sandheere
6.sh. Mahad caruush yuusuf xoghayaha guud ee ahlusunada dalka uganda
7. Nabadoon maxamad jamac seed
8.Sheekh maxamed ibraahim ganacsade
9.Md ,caruuse shire
Dhinacii kale oo ka socday golha sare ee mulimiinta dalka Uganda waxaa hogaaminayey :
1.sheekh shacbaan rabadaan mubajje oo ah( MUFTIGA DALKA UGANDA),
2.sheekh cabdul xayi mukiibi (KU XIGEENKA MUFTIGA DALKAASI)
3.sheekh anas sisinba,(Agaasimaha shirarka iyo munaasabadaha golaha sare ee muslimiinta Uganda)
4.bukaye maxamed shacbaan oo ah XOGHAYAHA MUFTIGA DALKA UGANDA
IYO MASUULIYIIN SAR SARE
Ugu danbaytii shirkaasi waxa uu ku dhamaaday jawi farxadi ku dheehantahay , ayadoo masuuliyiintii ahlusunna waljamaacana loo galbiyay xafiisyadoodii
W/Q: Wariye Axmed khdar
email:[email protected] ama [email protected]
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
For every century, there will be people who will revive the Khalipha regardless of opposition!