Kooxo Hubaysan oo xalay Magaalada Mandheera ka Afduubtay dad ajaanib ah, isla markaana lasoo Aaday dhinaca Xadka Somalia

Posted on Jul 18 2009 - 8:57am by News Desk
Tweet
Pin It

afduubayaalBartamaha(Muqdisho):-Dadkaan oo xalay saqdii dhexe laga soo qafaashay Magaalada Manadheera ee Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya ayaa lasheegay in lala soo aaday dhinaca Dalka Somalia,

Dadkan ayaa la sheegay in ay isugu jireen  rag cadaan ah iyo madow lasheegay in ay ukala dhasheen wadamada Pakistan Maraykanka iyo Simbabwi, Manacada Cida ay ushaqeynayeen Marka laga Tago Tuhuno ku aadan in dadkaasi ay katirsanaayeen Hay’ada Kashaqeysa Magaaladaasi Mandheera oo layiraahdo Hay’ada Action Against Hunger, kana shaqeysa Quudinta Caruurta.

Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Beledxaawo ayaa sheegay in ay wadaan Dadaalo Xoogan ay kudoonayaan in ay kusoo Furanayaan ragaasi oo La aaminsanyahay in Xadka uu Gobolkan lawadaago Kenya lal soo galay.

Gudoomiyaha Maamulka islaamiga ah ee Magaaladan beledxaawo sh Aadan Maxamed Barre Sh Aadan Nuux ayaa saakay Warbaahinta u sheegay in haatan Ciidamada Xisbada ay howlgaladooda Wataan 

Dhinaca kale xariir aan lasamaynay Qaar kamid ah masuuliyiinta Maamulka Magalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa inoo sheegay in ay yartahay Xogta ay kahayaan dadkaasi laqafaashay inkastoo ay sheegeen in dadkaasi ay kasoo kala Jeedaan Wadamada Maraykanka, Bakistan iyo Simbabwi, isla markaana xalay saqii dhaxe ay kooxo Hubaysan kasoo Afduubteen Gudaha Magaaladaasi Mandhera 

Macada Halka dadkaasi haatan lagu haysto iyo Cidda haysato, waxaana jira dadaalo ay wadan islaamiyiinta Magaalada, 

Ma ahan markii ugu horaysay oo fal Nuucaan oo kala ah lagu soo Adfuubto Ajaanib kusugnayd Xadka Gobolkan Gedo ee lawadaago Gobolka Waqooyi Barri Dalka Kenya,

Waana markii ugu horasay oo uu Afduub nuucaan oo kala ah Dhaco tan iyo Markii Xoogaga islaamiga ah ay lawareegeen Magaaladan dhacda sedex xaduudoodka Somali,Kenya iyo Itoobiya.

Waxaana saakay Gabi ahaanba Xiran Xadka Magaalooyinka Mandhera iyo Beledxaawo, waxaana Jira Howlgalo ay Ciidamada Samaynayaan. 

Maxamed Cibaar Diiriye

Beledxaawo, Gedo 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.