Bartamaha (Balad-Weyne):-Kooxo hubaysan ayaa  xalay fiidkii hore Bartamaha Magaalada Baladweyne dil ugu geystay Wadaad can ka ahaa Magaaladaasi iyagoo rasaas bastoolad ah ku dhiftay Wadaadkaasi.
Kooxahan oo bastooladaha ku hubaysnaa ayaa waxa ay dhaawac culus ugu geysteen markii hore Sheekh Cusmaan Maxmed oo aha Khadiibka masjid ku yaala Magaalada Balad-weyne.
Wadaadkaasi ayaa loola cararay Isbitaal ku yaala B/Weyne wallow muddo saacada ah ka dib uu falkaasi u geeriyooday.
Goobta falka loogu geystay Khadiibka masjidka ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada dowlada kuwaasi oo rasaas furay baaritaano kooban ka sameeyay goobtaasi.
Illaa haatan lama ogaan karo sababta keentay falkaasi lagula dhaqaaqay wadaadkaasi wallow inta badan falalka nuucaani oo kala ah ay ku soo laablaabteen dalka soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.