Kooxo hubaysan ayaa xalay weeraro qorsheysan ku qaaday Xarunta G/Banaadir Iyo Dakadda Muqdisho.

Posted on Jun 4 2009 - 9:15am by News Desk
Tweet
Pin It

dag1Bartamaha(Muqdisho):-Kooxaha weerarka gaystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa aad u hubaysan kuwaasi oo weerar gaadma ah mar qura ku bilaabay ilaalada Xarunta G/Banaadir iyo Dakadda Weyn Ee Muqdisho.

Xalay Saqdii dhexe ayaa kooxo aad u hubaysay waxa ay weerar culus ku qaadeen fariisinada ciidamada dowlada Fd soomaaliya ee afaafka hore ee xarunta Gobolka Banaadir iyo Dakadda Muqdisho kuwaasi oo madaaafiicda garbaha laga tuuro la beegsaday dhismooyinka xarumahaasi.

Rasaasta ayaa waxa ay socotay muddo saacad ku dhow iyadoo ciidamada Amisom ay bilaabeen in ay ka soo baxaan dakadda gudaheeda kuwaasi oo watay Taangiyada si ay dagaalka gaadmada ah isaga difaacaan.

Weerarka ayaa ahaa mid aan sidaa u baaxadweyneyn ka dib markii raga weerarka soo qaaday ay u baxsadeen gudaha Degmada Xamarweyne halkaasi oo la sheegay in jihadeeda ay markii hore ka soo weerareen dakadda Muqdisho iyo Xarunta Maamulka G/Banaadir.

Illaa haatan lama ogaan kooxda weerarka soo qaaday iyadoo aanay maamulka G/banaadir aanay wax warbixin ah ka dhiibib dagaalkii xalay xaruntooda iyo dakadda Muqdisho lagu soo qaaday.

Weerarka lagu qaaday xarunta Maamulka G/banaadir ay ku shaqeeyaan ayaa ku soo aadaysa xilli halkaasi xarun looga sameeyay Baarlamanka Dowlada Fd soomaaliya oo haatan uu u diyaarsanyahay Hoolka Shirarka ee dhismahaasi G/Banaadir.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia.