Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa xalay bandow ku soo rogtay Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo ay dhawaanahan ka taagnaayeen xiisado amaandara ah oo looga soo horjeeday kooxdaasi.
Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa sheegay in bandowgaasi uu ka dhaqangalayo deegaankaasi xalaga 9:00-Fiidnimo ilaa 6:00 waabarigii ah , taas oo uu sheegay in si wanaagsan xalay uga hergalay deegaankaasi Guri-Ceel.
Sarkaalkan waxa uu ku tilmaamay in ujeedada ay bandowgaasi u soo rogeen uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka Degmada Guri-ceel oo uu sheegay in ay soo gali karaan kooxo uu ku tilmaamay nabad diidka.
Dadka ku nool Degmada Guri-ceel Ee Gobolka Galgaduud ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyeen bandowgaasi, taasi oo ay sheegeen in aanay wax dhibaata ah kala kulmin xilliga xalay uu socday.
Wararka ka soo baxayay deegaanka Guri-ceel ayaa sheegaya in ujeedka ay bandowgaasi u soo rogeen ay tahay kadib marki Ciidamo ka tirsan Ahlu sunna wal-jameeca ay ka goysteen dhawaan kuwaasi oo qaarkood ay ku biireen kooxda Alshabaab.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.
Â