Kooxaha Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya oo ku hanjabay in ay ka aarsandoonaan Maraakiibta Reer Masar.

Posted on Aug 16 2009 - 9:11am by News Desk
Tweet
Pin It

burcad-badeedaaBartamaha (Laas-qorey):-Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa ku hanjabtay in ay dili doonaan dhammaan maraakiibta Masaarida shaqaalaha saran haddii ay gacanta u soo gasho.

Mid ka mida Ragga Burcad Badeeda Soomaalida ah oo la xiriiray Wakaalada Wararka Reuters ayaa shaaca ka qaaday in ay dili doonaan dhammaan shaqaalaha masaarida ee haatan gacanta ugu jira Burcad badeeda.

Ninkaasi u hadlayay Burcad Badeeda Wadanka Soomaliya oo magaciisa ku soo koobay Farax ayaa sheegay in ay xiligan wixii ka danbeeya ay beegsanayaan shaqaalaha Masaarida ah isagoo sheegay in ay ka aarsan doonaan dowlada Masar Maraakiibtooda iyo shaqaalaha saran intaba.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa dhawaan ku dhacday dhibaato culus ka dib markii shaqaale saarnaa markab laga lahaa Dalka Masar oo ka koobnaa  34-shaqaala ah ay dileen 7-burcad badeed ah islamarkaana ay ka baxsadeen gacanta afduubka lagu hayay.

Kooxaha Burcad Badeeda ah ayaa waxa ay haatan gacanta ku hayaan markab kaluumaysi ah oo laga leeyahay dalka Masar kaasi oo goob qura lagu hayay isaga iyo markabkii baxsaday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.