Bartamaha( Isatnbuul):-Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay lacago badan ka qaateen markab laga leeyahay Dalka Turkiga oo muddo lkagu haystay Biyaha Soomaaliya.
Burcad Badeeda ayaa la sheegay in ay qaateen lacag dhan 1-Milyan Doolar taasi oo ay bixisay shirkada laga leeyahay Markabka afduubka loo haystay taasi oo loo sii daayay markabka lacagta ka dib.
Masuul u hadlay Shirkada Markabka lahayd oo la hadlaysay TV-ga dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay lacagta u bixiyeen si lo badbaadiyo nolosha shaqaalaha lahaystayaasha ahaa.
Kooxaha Burcad Badeeda ayaa shaqo ka dhigtay afduubka Maraakiibta maraysa biyaha Soomaaliya oo inta badan ay lacago adag duldhigaan xiliga ay gacanta ku dhigaan Maraakiibta.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.