Bartamaha (Columbus) Wasiirka Warfaafinta DKMG ee Soomaaliya mudane Daahir Geelle ayaa booqasho ku yimid dalka Maraykanka isagoo la kulmayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Washington DC, Minneapolis MN iyo Columbus, OH.
Xaflad loogu sameeyay magaalada Columbus ayaa wasiirku wuxuu uga waramay jaaliyadda Soomaaliyeed in wadanku uu u baahan yahay waxgaradkiisa iyo aqoonyahanadiisa qurbaha ku nool ayna waajib ku tahay inay u soo laabtaan dalkooda, dib u dhiskana ay ka qeyb qaataan. Wasiirku wuxuu kaloo ka hadlay caqabadaha haysta dowladda iyo dagaaladda ay isku hayaan kooxaha mucaaradka.
Dadweynihii isugu yimid xafladda waxay aad ugu riyaaqeen mar la tusay dhismihii wasaaradda warfaafinta iyo xaalka Radio Muqdisho uu maanta ku sugan yahay.
Wasiirku wuxuu si qota dheer uga hadlay faaiidada warbaahinta iyo siduu xoogga u saaray in dib loo furo Radio Muqdisho oo maanta hawada soo gala muddo 18 saacadood ah.
Sawirada Halkan ka daawo.
________