Kabul oo martigelinaysa shirkii ugu weynaa ee abidkeed lagu qabto.

Posted on Jul 20 2010 - 2:27pm by News Desk
Tweet
Pin It
Xamid KarzaiAfghanistan waxay la wareegaysaa amniga guud ee 34 gobol ee dalkaasi markii la gaaro 2014.

Bartamaha: Shir Muhiimad u leh dalka Afghanistan oo caalamiya ayaa ka soconaya magaalada Kabul ee caasimadda Afghansitan, shirkaan ayaan amnigiisa waxaa si weyn u adkeeyay ciimada huwanta ah iyo kuwa aniga ee dalka Afghanistan.

Madaxweynaha dalka Afghanistan ayaa shaaciyay in masuuliyiinta dalkaasi ay danaynayaan in markii la gaaro sanadka 2014 ay si buuxda ula wareegaan amniga iyo gacan ku haynta guud ahaanba 34 gobol ee uu dalkaasi ka kooban yahay.

Wakgtigan uu madaxweynuhu sheegay ayaa waxa uu sadex sano ka dambeyn doonaa wakhtiga madaxweyne obama uu u qabtay iney ciidama mareykanku isaga baxaan dhamaan 34 gobol ee dalkaasi.

Karzai ayaa waxa uu wufuudii kulankaasi ka soo qeyb gashay u shegay in marka la gaaro sanadka 2014 ay guud ahaanba si dhameystiran ciidamada qalabka sida iyo qeybaha kale ee amnigu ay si dhameystiran ual wareegi doonaan guud ahaanba dalka Afghanistan.

Shirkan ayaa waxa uu nqonayaa kii ugu horeeyay ee ay Xukuumadda Kabul ku xaqiijinayso iney kaga hoos baxayso ku tiirsanaan ciidamada dalalka galbeedka ay ku sugan yihiin islamrkaana ay gacanta ku hayaan amniga dalkaasi.

Shirkan Kabul ka dhacaya ayaa waxa uu noqonayaa shirkii ugu weynaa ee caalimya oo ay Caasimadda Afghanistan abid martigaliso, iyadoo shirka ay ka qeyb galayaan ilaa iyo 40 wasiir oo ajnabiya kuwaasi oo ay hogaaminayso xooghayaha arimaha dibedda mareykanka Hillary Rodham Clinton.

Sidoo kale kullanka waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda in kabadan 60 waddan oo kamida dalalka deeq bixiyayaasha ah ee taagerda asiiya hayadaha dawliga ah iyo kuwa kalaba gudaha wadanka Afhanistan.

Afghanistan iyo Taageerada Caalamka.

Wufuudda kullankaasi kasoo qeyb gashay ayaa ka dhageysan doona dalka mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka iney isku raacaan in 50% lacaga deeqaha ah muddo labo sano gudahooda lagu wareejiyo xukuumadda madaxweyne karzai iyadoo dadaal dheeriya loogu jiro sidii loo xakamyn lahaa musuqmaasuqa iyo laaluusha baahay ee dalka Afghanistan.

Sidoo kale xukuumadda Kabul waxay taageerayaasha wadamada galbeedka weydiisan doontaa in lagu ayido isla markaana lala ogolaado in la maalgaliyo barnaamij ugub ah kaasi oo lagu dhisayo booliis laga dhex samaynayo bulshooyinka dalkaasi oo isku eg gaar ahaana gobolada ka fog magaalooyinka waaweyn ee aysan ku sugnayn ciidamada ajnabiga ah islamrnkaana aysan gaari karin xoogaga amaanka dalka Afghanistan.

Madaxweyne Xamid Karzai waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in maalgalin dibedda ah oo ku fillan ay haystaan sadexda sano ee soo socota.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda al qaacidda iyo ciidamada ku sugan dalka Afghanistan oo 9 sano jirsaday ayaa sababay dhimasho badan oo ku timid ciidamada shisheeye ee dalkaasi ku sugan.

Inkastoo xukuumadda Washington ee madaxweyne obama ay shaacisay in ciidamo dheeraad ah loo dirayo dalka Afghanistan taasi oo todobaadyada foodda inagu soo haya la gaarsiinayo ilaa iyo 150 kun oo askari, haddana waxaa jira in goobo badan oo ka tirsan dalka afganistan ay weli gacanta ku hayaan xooggaga Taliban.

Waxaa isa soo taraya qayla dhaanta ka imaanaysa dawladaha galbeedka eek u aaddan horumarka laga sameeyay la dagaalanka argagixisada iney curyaamineyso awoodda maamul wanaagga in laaluushka iyadoo afhganistan ay safka hore uga jirto dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

Kulanka Kabul.

Kulankan caalmiga ah waxa uu maanta furmay abaarihii 09:30 aroornimo wakhtiga afghansitan iyadoo lagu furay aayadoo quraana ka hor intaanan lagu wareejin cod baahiyaha madaxweyne Karzai oo halkaasi ka jeediyay khudbad nuxurkeeda lagu sargooyay kulanka Kabul.

Waxa la filayaa in kulankaasi lagu lafo guro waxyaabaha mudan ee ugu horeeyay horumarada ay Afghanistan sameysay, iyo sidoo kale in la isla xadido wakhtiga 2014 oo ay afganistan raadinayso la wareegidda gacan ku haynta dhamaan gobolada dalkaasi.

Xogahayaha guud ee QM oo madaxweynaha Afghanistan la wadaagay shir gudoonka ay horsed u noqday baaq loo jeediyay bulshada caalamka, isagoo daaha ka qaaday in loo baahan yahay tilaabooyin adag si loo hormariyo maamul wanaagga iyo dib u heshiisiin qaran oo dalkaasi laga sameeyo sagaal sano kadib markii meesha laga saaray xoogagii Taliban.

Xogahaya arimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa Kabul soo gaartay maalinimadii isniinta ahayd iyadoo ka hor kulankan kulan la soo qaadatay madaxweyne Karzai.

Mrs Clinton ayaa madasha kulankaasi ka sheegtay in kulanka Kabul uu ahmiyad gaar ah ah uu leeyahaya madaxda Afghanistan oo u markaasi u qeexayo taagerada wadamada caalamka ay u hayaan, hogaanka dalkaasi.

Saraakiisha dawladda Afghanistan ayaa la filayaa iney kulanka kusoo bandhigaan qorshayaal ay si gaara hoosta uga soo xariiqdeen kuwaasi oo ku aadan dhaqaalaha, maamul wanaagga, horumarinta dhinaca bulshada, xukunka sharciga, garsoorka, xuquuda baniiadamka, nabada, dib u heshiisiinta, iskaashiga gobolka iyo dalalka caalamka iyo waliba taageero dhinaca baniidanimada ah oo wax tar leh.

Wadamada galbeedka ayaa waxaa ku imaanaya cadaadis lagu saarayo iney cadeeyaan taageeradooda dhaqaale iyo mid milataiba iney ku ixinayaan mid kamida dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka xili sanadjan kaliya gudihiisa ay 380 askari ku dhinteen dagaalada afhganisatan.

Dawladaha Afghanistan iyo Mareykanka ayaa isku dayaya qaab walba oo ay ku gaari karaan dagaal yahanada kooxda Taliban, iyagoo siinaya lacago iyo sahqooyin si ay hubka isaga dhigaan, halka madaxweyne Karzai uu horey u shaaciyay in wada hadalo uu la furayo hogaamiyayaasha dagaal yahanada kooxda Taliban.

Midkamida hawl wadeenada Shirka Kabul oo lagu magacaabo Ashraf Ghani ayaa sheegay an bulshada caalmku ay Afghanistan ka balnqaaday maamulidda 50% lacagaha taageerada caalamka muddo labo sano ah gudohood.

Tan iyo wakhtigii meesha laga saaray xukunkii Taliban sanadkii 2001 qiyaastii 20% lacagaha deeqda oo lagu qiyaasay ilaa 40 bilyan oo doolarka mareykanka ah ayaa lagu daraa miisaaniyadda afghnaistan taasi oo la rumeysan yahay in si musuqmaasuq ah loo maareeyo.

Waxaa la rumeysan yahay in dalalka Mareykanka. Britain iyo Japan ay lacago deeqa ah ku daraan ballanqaadyadooda si ay ugu tagaeeraan xukuumadda Kabul.

Hilary Clinton.Hilary Clinton iyo Hubanti bixinta Hablaha Kabul.

Kulanka Kabul Hilary Clinton xogahaya arimaha dibedda Mareykanka ay u xaqiijisay haweenka dalka Afganistan inaan la hilaami doonin islamrkaan aysan meesha ku soo noqon doonin xoogagii mayalka adkaa ee Taliban.

Clinton and haweenayda midawga Yurub u qaabilsan arimaha dibedda Catherine Ashton ayaa u sheegay hablaha Afghanistan ineysan ogolaan doonin iney dib ugu noqdaan wakhtigii ay Taliban halkaasi ka talinaysay oo xuquuqda haweenku ay ahayd mid aad u xadidan.

Fouzia Kofi, oo ah xildhibaan hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka dalkaasi ayaa u sheegtay Clinton iyo Ashton iney fahmatay iney ahayd wax adag in dalalka galbeedka laga dhaadhiciyo arinta muujinaysa qoto dheeridda dagaalakan, oo ay ku tilmaantay midaanan dhamaaneyn.

Duqeyn dhacday kulanka ka hor.

Maleeshiyaad ka tirsan dagaalyanahada dalkaasi ayaa madaafiic iyo duqeymo sameeyay gudaha Kabul ka hor intuusan si rasmiya u furmin kulanka Kabul, iyadoo duqeyntaasina ysan wax khasaara ah gaysan sida uu xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Zemarai Bashary.

Ugu dambe6ntiina Kabul waxaa lagu wareejiyay ciidamo xooggan oo sugo amniga magaalada iyaoo ay gudaha magaalada roondaynayaa kumaan askari oo katirsan ciidamada amniga Afghanistan iyo huwanta Nato.

Ciidamadan ayaa loogu talo galay ilaalinta shirka caalamiga ee Kabul ka soconaya oo ah kulankii ugu blaarnaa ee caalmiya oo abid dalkasi lagu qabto.

Geida Diyaaradaha iyo wadooyinka halbowlaha u ah Kabul waa la xiray, dadka maraya waddooyinka si aada ayaa loola socdaa dhaqdhaqaqooda, iyadoo kal horan lagu dhawaaqay in isniintii shalay ahayd iyo maanta ay yihiin maalmo fasax ah oo ay reer Afghanistan ka nasanayaan shaqooyinka.

Waxaa Diyaariyay Cabdiqafaar Shire.

Tifaftiraha Bartamaha.

Nairobi Kenya.