Johnnie Carson oo shaaca ka qaaday ujeedada Mareykanku uu ka leeyahay Soomaaliya

Posted on Oct 4 2009 - 5:53am by News Desk
Tweet
Pin It

JohnnieCarson_414913288[1]Minneapolis, Minn. – Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka ee arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa  kulan uu shalay la yeeshay qaar kamid ah hogaamiyayaasha ururada Bulshada Soomaaliyeed u adeega, aqoonyahaniinta, Xildhibaano hore iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyagu degan gobolka Minnesota u sheegtay  in dawlada Mareykanku ay si buuxda u taageersantahay Madaxweyne Sh. Sharif iyo dowladiisa.

Kulankan oo ka dhacay Machadka Humphrey Institute oo kamid ah Jaamacadda Minnesota ayaa waxaa daadihinayay Maamumalaha machadka Humphrey Institute J. Brian Atwood. Mr. J. Carson ayaa halkaas ka sheegay in dawladda Madaxweyne Sharif ay ka dhalatay wadahadaladii iyo heshiiski ka dhacay dalka Jabuti, ururka IGAD, iyo dawladaha dariska la’ah Soomaaliyana ay si buuxda u taageersan yihiin dawladda Madaxweyne Sh. Sharif,  isla markaana ay dawladda Mareykankuna si buuxda u taageersantahay dawladda Soomaaliya ka dhisan.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Sh. Sharif uu ku sugan yahay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, isaga oo maalinta Axada taariikhduna tahay  10/4/2009 la kulmaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo nawaaxigiisa.

Johnnie Carson oo  ay su’aalo ku weydiinayeen madaxdii Soomaaliyeed ee uu kulanka la yeeshay ayaa sheegtay in ujeedada Mareykanka uu ka leeyahay Soomaaliya ay tahay in ay  taageeraan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax tar leh, loona wada dhan yahay. Sidoo kale J. Carson wuxuu ka dhawaajiyay in  la baajiyo dagaalada iyo barakaca sida rasmiga ah u saameeyay kumanyaalka qoysas, caruur iyo maatidaba leh.

J. Carson ayaa waxa uu yiri: “Mareykanku iyo Washington  sababta uu sida taxadarka leh ula soconayo waxa ka dhacaya Soomaaliya,  ayaa ah in ay raadinayaan afar ama shan nin oo iyagu kamid ah ragii ka dambeeyey qaraxyadi safaaradaha Mareykanka ee Nairobi, Hotelkii Paradise  oo ku yaala Mombasa iyo  soo riditaankii laysku dayay in la soo rido diyaarad laga lahaa dalka Israel. Ragaas oo aanan la hubin in ay joogaan Soomaaliya iyo inkale, loona baaahan yahay in la soo gacan geliyo”.

Mar wax laga weydiiyey xayirada hubka ee Soomaaliya iyo siyaasada Ethopia ee ku wajahan dalka Soomaaliya, ayaa J. Carson waxa uu ku jawaabay, ” Dawlada Mareykanku waxay arrinta hubka hor dhigeen ururka Qaramada Midoobay iyo golaha amaanka oo ansixiyey in qeyb ahaan la qaado xayirada hubka ee Soomaaliya, inakstoo go’aankaasi ay leedahay dawlada Soomaaliya”.

J. Carson waxa kale oo uu sheegay in dawlada Mareykanku ayna raacsanayn kuna waafaqsaneyn arrimaha siyaasadeed ee Ethopia, gaar ahaan kuwa ku wajahan Soomaaliya, Washingtona ay u sheegnay cid kasta in Soomaaliya arrimaheeda faraha kala baxaan. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Dawlada Mareykanku taagero buuxda oo ah xag dhaqaale, siyaasad iyo diblomasiniba ayaan siinaynaa Madaxweyn Sh. Sharif iyo dawladiisa”.

Arrimaha kale ee halkaas looga hadlay oo su’aalo ahaan ku yimid ayaa qaarkamid ahi ay yihiin, in J. Carson uu sheegay in ay dawladda Mareykanku ay xiriir wada hadal la leedahay maamulka gobolada Somaliland iyo Puntland, balse ayna qirsanayn in labaddabu ay yihiin dawlado madax banaan. Waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan hawlo lagu taageerayo tabobarida ciidanka Soomaaliya, hadana ay qaarkood ka socdaan dalka Soomaaliya dibadiisa iyo gudahiisaba.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa Mr. J. Carson Sheegay in Madaxweyne Sh. Sharif uu ka duwan yahay hogaamiyayaashii hore ee Soomaaliya, dadaal iyo howl wanaagsana uu qabanayo, taageero buuxdana uu ka haysto dowladaha aduunka intoo badan. Sidoo kale J. Carson ayaa gabagabadii sheegay in danta iyo waxa u roon dalka Soomaaliya ay ku jirto Bulshada Soomaaliyeed, dawlada Maraykankuna ay tixgalinayaan taas iyada ah, marar badana ay la kulmeen Sh. Sharif iyo madax sare oo ka tirsan dowladiisa.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

www.Bartamaha.com