Mawliidka Nabiga NNKH oo si balaaran loogu xusay Kampala (Sawirada Munaasabada)

Posted on Feb 28 2010 - 8:54am by News Desk
Tweet
Pin It

xuskaBartamaha(Kampala):-Isku Soo bixi ugu balaarnaa ebed oo ay Sameeyaan muslimiinta ku nool Wadanka yugaandha ayaa maalinimadi shalay ka dhacay Wadooyinka Magaalada kambaala kaasi oo lagu weyneenayay maalinta uu dhashay Suubanaheeni Muxamad ah (CSW)

Banaanbaxaani oo ay ka qeyb qaadanayeen guud ahaan Muslimiinta kunool Wadanka Yugaandha ayaa waxa si gaar ah qeyb libaax leh uga qaatay muujinta Maxabada nabiga (CSW) Somalida kunool Wadanka Yugaandha oo ay horkacayeen Culuma’udiinaka Ahlusunah waljamaac.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay qaadayeen Takbiir iyo Nabi amaano aad umacaan badan taasi oo soo jiidatay Inta Quluubtooda ay ku beerantahay Maxabada Rasuulka (NNKH) iyadoo sidoo kalena ay dadkani ku labisnaayeen libis aad u qurux badan iyo boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo  lagu Muujinayo maalinta uu Dhashay nabiyulaahi Muxamad (CSW).

Dhanka Somalida ayaa banaanbaxayaashani waxa laga soo kala abaabulay Dhamaan Mowlacyada iyo Madrisooyinka Culuma’udiinka Ahlusunnah ay ku leeyihiin Magaalada Kampala sida,Madawada weyn Umaya Ibnu Kacab iyo Mowlaca Pan Afrika oo labadaba ah Xudunta Culuma’udiiinka Ahlusuunah Waljamaac ee magaalada Kampala iyadoo sidoo kale somalida Yugaandha ay si weyn usoo wada cmireen banaanbaxani isla markaana Jameeco walba kolka lasoo gaaro Xaafadooda ay halkaasi uga sii biirayeen.

Inkastoo Muslimiinta kunool Wadanka yugaandha ay Hareesay Farxada iyo maxabada Nabiga isla markaana ay farxad aad ubalaaran ka muuqatay maalinimadi shalay ayaa hadana waxa jiray shaqsiyaad sheeganayay in ay muslim yihiin hadana naxdin iyo walbahaar ka qaaday ixtifaalka iyo weyneenta Maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (C/S/W), Ilaahow ha inaga mid dhigin kuwii ka naxo Dhalashada Xabiibkeena Muxamad  ah (NNKH)

Gabagabadi ayaa banaanbaxayaashi waxa ay isugu soo aruureen Masjidka ugu weyn ee Geeska Afrika ee Qadafi National Mosque oo  si weyn loogu Xardhay ubaxyo iyo boorar qurux badan oo lagu lamaaniyay fadhi aad u cajiib ah oo muslimiinta udabaal dageeso maalintaan loo diyaariyay iyadoo halkaa qudbooyin qiiro leh ay kasoo jeediyeen hogaamiyaasha jameecooyinka halkaa isugu yimideen,

Sidoo kale waxa goobtaan goob joog kaa ahaa Muftiga Arimaha Diinta Islaamka ee Wadanka Yugandha iyo Kuxigeenadiisa iyo sidoo culimada ugu caansan guud ahaan wadanka Yugaandha oo kamid ah wadamada ku horeeyo Xaga Diinta islaamka marka loo fiiriyo Wadamada gobolka

Sheekh C/qaadir Macalin ibraahim (Sunni) oo ah gudoomiyaha Culuma’udiinka Ahlusunnah waljamaac ee Wadanka Yugaandha oo halkaasi qudbad qiiro leh kasoo jeediyay ayaa dhamaan Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay munaasabada qiimaha iyo qadarinta Xanbaarsan isagoo sidoo kalena uduceeyay Muslimiinta Caalamka in ilaahey niyadooda iyo awoodooda kulmiyo.

Sheekh Sunni,” waxa Ugu hambalyeenaa Muslimiinta Duniada Meel Kasta ay joogaan maalinta sharafka iyo Qadarinta Mudan ee ah maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (CSW)” ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Suni oo qiiro hareesay inta uu ku guda jiray Munaasabada isagoo kala qeyb qaatay socodki dheeraa ay sameenayeen muslimiitna reer Yugandha gaar ahaa Somalida kunool halkaasi oo iyaga caadi iyo dhaqan u ah weyneenta Maalmaha qiimaha iyo qadarinta ku leh shucuubta Muslimka.

Sheekh Xasan Aadan cusman (Kamacle) oo ah madaxa Arimaha Diinta ee Culuma’udiinka Ahlusunnah ee wadanka Yuganda ayaa isna waxa uu dareenkiisa ku biiryay Muslimiinta sida weyn uga qeyb qaadaneesay Munaasabada maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (CSW),

Sheekh Xasan,” Maanta waxa ay noo tahay Maalin weyn, Maalin ay Muslimiinta oo idil ay ku faanaan, Waa maalinti uu dhashay Kheyru Khalqilaah, Waa maalin ajir iyo Xasanaad laga helayo laguna kala saaro hadba qof walba inta ay la egtahay Maxabada uu uqabo Rasuulkiisa Muxamad (CSW)”.

Sheekh Xasan ayaa sidoo kale waxa uu fariin udiray Dadka caadeestay naceebka nabiga ee dhibsada sheeg sheegida Magaca Rasuulka (CSW) iska daa in ay sadaqo iyo tawasulba ay ku sameeyaan isagoo arinkaa ka hadlaayana waxa uu yiri, “ Rag waxa ay ka faanaan , Rag baa ku faana” ayuu yiri sheekha isagoo hadalkiisa sii raaciyay in maxabada nabiga iyo weyneentiisa ay banaanka keenayaan ayna muujinaya

Sheekh Ismaacil Sheekh Cali Rooraaye oo ah Madaxa Arimaha Bulshada ee Culuma’udiinka Ahlusunnah waljamaac ayaa isna waxa uu ugu horeen uga mahad celiyay dhamaan muslimiinta reer yugandha gaar ahaan somalida ku nool halkaasi sida qiirada iyo qadarinta mudan ay usoo camireen banaanbaxa muujinta maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (CSW).

Sheekh ismacil oo farxad aan lasoo koobi karin darted hadalki gabay ayaa waxa uu muslimiinta kasoo qeybgashay Munaasabada faray in ay badiyaan Saliga Nabiga oo ah mid liiibaan aduunyo iyo mid aaqiro lagu helayo .

Barxada Weyn ee Masjidka Qadaafi oo maalinimadi shalay Qudbadi jimcaha kadib la isugu soo aruuray ayaa sidoo kale waxa halkaa isugu yimid dhamaan Qa’idiinta Xilqooyinka Dikriga ee Jameecooyin ka kala socday Guud ahaan Gobolada oo ka kooban Yahay wadanka Yugandha, Muslimiin ka socotay dalalka bakistaan iyo Hindiya iyo Soomaalida.

Isku Soo wada Duubee Munaasabadaan ayaa waxa ay ka dhigneed tii ugu balaarneed ebed oo ay sameeyaan Muslimiinta kunool wadanka Yugandha kuna soo gaba gabowday jawigi loogu tala galay

x

mus

munasxx

xxx

xxxx

XafiiskaBartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.