Bartamaha (Muqdisho):- Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa la ciirciiraya dhaawacyadii shalay ka dhashay qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay masjid ku yaala suuqa Bakaaraha.
Isbitaalka Dayniile ayaa buux dhaafay waxaana haatan yaala in ka badan 180-ruux markii shalay oo kaliyta la geetay 77-qof oo qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray iyadoo markii hore ay dad ku dhaawacmay duqeynta caadada ka noqotay magaalada.
Isbitaalkaasi waxaa lagu dabiibayaa dadka dhaawaca ah waxaana la sheegayaa in ay liidato daawooyinka ay haystaan markii tirada dhaawacyada la jiifiyay ay kordheen.
Dadka dhaawaca ah ee isbitaalada la seexinayo dhammaan waxa ay yihiin dad aad u liita waxaana jira dad badan oo waayay xubno muhiim ah oo ka mida jirkooda.
Dhanka kale Isbitaalka Madiina Muqdisho waxaa yaala dhaawacyo badan oo dadkii lahaa ay ka soo wareejiyeen Isbitaalka Dayniile maadaama uu magaalada ka baxsanyahay.
Isbitaalkaasi Madiina ayaa waxaa yaala shacab aad u fara badan iyadoo mid ka mida howl wadeenada caafimaadka uu sheegay in ay jiraan dad aan dalka wax looga qaban karin oo isbitaalka la keenay.
Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa qaar ka mida ay yihiin kuwa jirkooda uu isku furanyahay waxaana Isbitaalkaasi la geeyay nin dhalinyara ah oo inta badan lafihii feerihiisa qaraxa uu la tagay wallow nafi ay ku dambayso.
Isku soo duub isbitaala Muqdisho waxaa la sheegaa in dadka ay dadaal caafimaad ay u sameeyaan balse waxaa ka taagan dhibaato xoogan iyadoo sariiraha laga dajiyo isbitaalkana laga eryo bukaanada qaar marka Bukaano kale la keeno Isbitaalkaasi.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia