Bartamaha (Muqdisho):- Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam Yuusuf Indha Cadde ayaa madaxda dowlada ugu baaqay in ay xilka ka qaadan wasiirka Gaashaandhiga.
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa waxa uu si kulul u eedeeyay wasaarada gaashaandhiga ee dowlada KMG Soomaaliya wax qabad la’aan iyo masuuliyada dhibaatada ciidanka gaysanayaan.
Indha Cadde waxa uu xusay in C/xakiin Xaaji Fiqi wasiirka gaashaandhiga ee hada xilka haaya aanu howshiisa aqoonin islamarkaana ay ciidanka noqon la’yihiin dad wax qabanaya.
Indha cadde waxa uu madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in ay meesha ka saaraan Wasiirkan Gaashaandhiga ee haatan xilka haaya oo uu dhaliil la daba kacay.
Indha Cadde waxa uu wasiirka ku Eedeeyay in uu Hub culus ku dhex wato magaalada sida qorigii Zuu-ga ahaa ee dadka badan lagu laayay maalin ka hor taasi oo uu sheegay in uu mudan yahay in xilka looga qadao dhacdadaasi darteed.
Hadalka Yuusuf Indha Cadde ayaa u muuqanayay mid uu kaga caraysan yahay dadkii maalin ka hor ku dhamaaday magaalada Muqdisho markii qoriga Lidka diyaaradaha uu sababay in shacab badan ay dhamaadaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika