Howlgal baaritan ah oo Ciidamada Dowlada ay saaka ka sameeyeen Wadada KM.4 iyo Dabka.

Posted on Feb 7 2010 - 8:32am by News Desk
Tweet
Pin It

qabtayBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ayaa saaka ku dhaqaaqay howlo baaritaana ah oo ay ku samaynayaan gaadiidka dadweynaha wadada Dabka iyo isgoyska KM.4.

Ciidamo Booliis ah oo saaka lagu soo daadiyay wadada KM.4 illaa isgoyska Dabka ayaa waxa ay sameeyeen howlgal baaritaana ah oo ay ku samaynayeen gaadiidka Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxa ay baaritaankooda ku soo qabqabteenm dhalinyaro iyo dad kale oo laga shakiyay kuwaasi oo ay kala dageen gaadiidka Bakaaraha.

 

Howl-galka ay samaynaan Ciidamada Dowlada ayaa waxa uu mid nkadis ah iyadoo la sheegay in ay dhaawac u geysteen wiil watay Bistoolad kaasi oo ka yimid dhankja Bakaaraha oo ay gaari kala dageen.

Howlgalka ayaa waxa uu u muuqday mid kadis ah balse saacada badan lagu samaynayay gaadiidka ka soo galaya dhanka Bakaaraha iyo midka doonaya in uu u gudbo Wadadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.