Howgallo Amaan sugid ah oo ay Maalintii 3aad Wadaan Ciidamada Amaanka Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo lagu soo qabqabtay Dad ku eedeysan Falal Danbiyeedyo kala duwan.

Posted on Aug 13 2009 - 6:13am by News Desk
Tweet
Pin It

 

shababCiidamada Amniga ee Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay howgallo amaan sugid ah Maalintii 3aad ka wadaan Magaalada Kismaayo iyo Deegaano badan oo ku xeeran dhinaca waqooyi ee Magaalada

Kuwaasi oo lasheegay in lagu soo qab qabtay ilaa iyo 4nin oo lagu soo eedeeyey in ay isticmaalayeen waxyaabaha Maandooriska ah.

 

4taan nin ee Dhalinyarada ah ayaa iminka waxa ay ku xirxiranyihiin Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo ayadoona lagu wado in Maalmaha soo socda lasoo taagi doono Maxkamad sidoo kalena  lagu qaadi doono waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.

 

Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo Sheekh Max’ed C/qaadir samsamow oo Maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howgalladani lagula Dagaalamayo Kooxaha Burcada ah iyo Weliba Dadka Isticmaala waxyaabaha Mukhaadaraadka ah ama maanka dooriya.

 

Howgalladani ayaa yimid kadib markii ay cabasho aad u ballaaran kasoo yeertay Dadka iyo Gaadiidka ku safra Wadooyinka isku xira Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada Waqooyi ee Gobolkani J/hoose, sida Deegaanka Buulo Guduud oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga Beegan Magaalada Kismaayo, halkaasoo la sheegay in ay Xilliyada Habeenkii ah ka qowleysan jireen Kooxo Hubeysan oo aan lagaranayn kuwaas oo dadka iyo gaadiidka ku safra Wadooyinkaasi u geysan jiray falal isugu jira dhac, Baarasho iyo weliba Handadaad kale.

 

Sikastaba ha ahaatee Howlgalladan ay sameeyeen Ciidamada Amaanka ayaa kusoo Beegmaya Xilli Maalmihii ugu danbeeyay Ciidamada Amniga ee Magaalada Kismaayo ay wadeen Howgallo aad u ballaran islamarkaasina lagula dagaalamayay Kooxahaasi burcada ah ee Dhibaateeya Dadka iyo Gaadiidka ku safra inta u dhaxeysa Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada Waqooyi ee Magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale ciidamada Howgalladani fulinayay ay ka kala tirsanaayeen Xerooyinka Militari ee ay ku kala leeyihiin Magaalada Kismaayo iyo Deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta G/J/Hoose.

 

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha Kismaayo