Hoobiyayaal Madaxtooyada lagu garaacay iyo Jawaab ka baxday lagu la’day.

Posted on Sep 25 2010 - 12:30pm by News Desk
Tweet
Pin It

duqeynBartamaha (Muqdisho):- Madaafiic Hoog badan ayaa maanta ku socanayay Villa Somalia iyadoo jawaab ka soo baxday Villa Somalia ay ku dhamaadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa maanta madaafiic xoog badan ku garaacay Madaxtooyada Soomaaliya ka dib iska hor’imaad kooban oo ka dhacay wadada Frolence ee Degmada Wardhiigley Muqdisho.

Dagaal la isku adeegsaday rasaasta fudud oo ka dhacay xaafadaha ku dhow Villa Somalia kama mida Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ka dib bilowday Hoobiyayaal aan dhawaanahan nuucaada adfeegsan xoogaga Mucaaradka.

Dhowr iyo Labaatan Madfac ayay islaamiyiinta ku garaaceen Madaxtooyada waxaana xiligaasi ka dib bilowday rasaas culus oo  ay ridayeen Ciidanka Amisom iyadoo jawaab ka sii daran ay baxday muddo daqiiqada ah markii islaamiyiinta hakiyeen Hoobiyayaasha.

Ciidanka Amisom ayaa ooda ka qaaday Taangiyadooda iyo PM-ka oo ay barbar socdeen Madaafiicda Hoobiyaha oo inta badan ay ku garaaceen dhulka aagaga ah ee Degmada Wardhiigley iyo xaafado ka mida Degmada Boondheere.

Madaafiicda lagu garaacay aagaga ayaa waxaa jiray qaar ka gudbayay oo ku dhacay deegaano ay dad shacab ah daganyihiin sida xaafada Siinaay iyo qeybo ka mida xaafada Geed Jacayl oo ah goob ay mucaaradka Madaafiic ka rideen maanta.

Madaafiicda ayaa waxa ay sababeen dhimashada 5-ruux iyo dhaawaca lagu qaaday gaadiidka gurmadka oo gaaraya 8-ruux oo dhammaan ku waxyeeloobay Degmada Yaaqshiid iyo Wardhiigley oo la garaacay markii Hoobiyayaasha laga joojiyay Villa Somalia.

Inta badan Mucaaradka ciidakooda ayaa lagu eedeeyaa in ay masuul ka yihiin qasaaraha shacabka markamarkii ay garaacaan xarumaha Amisom iyagoo ka tuura Hoobiyayaasha goobaha shacabka u badanyihin.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected] .