Heegan xoogan oo la geliyay Cidamada maamulka Alshabaab ee gobollada Jubooyinka.

Posted on Feb 7 2010 - 3:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

AL-Shabaab

Bartamaha(Kismayo):- Ciidamada Maamulka Xarakatu alshabaab ee Jubooyinka  ayaa  la galiyay heegan iyo diyaargarow ciidan oo aad u xoogan kadib markii ciidamo ka amarqaata dowlada KMg ah ee soomaaliya islamarkaasina tababar ugu soo dhamaaday wadanka Kenya la keenay xadka ay soomaaliya la wadaagto Kenya.

Sheekh Xuseen C/geedi oo ah gudoomiya k/xigeenka maamulka alshabaab ee gobollada jubooyinka  oo www.Bartamaha.com u waramayay ayaa ka warbixiyay diyaargarowga dagaal ay geliyeen ciidamadooda waxaana uu yiri ‘Waxaan diyaar u nahay in aan dagaal jihaad ah kaga hortagno ciidamada ay soo tababartay dowlada Kenya ee duulaanka ku soo ah gobollada jubooyinka”  isagoo intaasi ku daray in ay iska difaaci doonaan weerar walba oo kaga yimaado dhanka xadka ay ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Ciidamo qalabeysan oo aad u xoogan oo mudooyikii aynu soo dhaafnay tababarro ciidan uga soconayay gobolka w/bari ee wadanka Kenya  marka dhowna loo soo gabagabeeyay tababarkaasi ayaa lasoo dhoobay xadka ay soomaaliya dhinaca jubooyinka kala wadaagto Kenya, waxaana Gudaha magaalada kismaayo ayaa lagu dhex arkayaa gaadiidka dagaalka iyo weliba ciidamo aad u tiro badan kuwaa oo la sheegay in ay ku wajahanyihiin  xadka ay somaliya la wadaagto wadanka Kenya.

Sikastaba ha ahaatee isku hub urursiga iyo diyaargarowyada dagaal ee ay sameynayaa ciidamada xoogaga alshabaab ee jubooyinka iyo kuwa dowalada soomaaliye ee ku sugan xadka ay somaliya la wadaagto Kenya ayaan la ogeyn talaabada ka danbeyn doonto balse dadka qaar ayaa saadaalinayo in ay dhici karaan iska horimaadyo dhex mara labadaasi dhinac.

 

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia