Hayadda Caymiska Gobalka Ohio ee Dalka Mareykanka oo sare u qaaday luuqadaha ay ku bixiso Adeegeeda.

Posted on Feb 7 2010 - 12:44pm by News Desk
Tweet
Pin It

Ohio State Logo

Ohio (www.Bartamaha.com) Hayadda Dawliga ah ee bixisa Caymiska Gobalka Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay iney gaarsiisay la taliyayaasha iyo luuqadaha ay ku bixiso latalinteeda in kabadan ilaa iyo 150 luuqadood.
Hayaddan caymiska ayaa shaqaalaysiisay turjumaano farabadan si markaasi ay u hanato hanaankeeda ay ku beegsanayso qoowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan gobalka Ohio.
Gobalka Ohio oo ah gobal ku yaalla bartamaha galbeed ee Dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay gobalka 34aad ee ugu balaaran dalka Mareykanka, laguna qiyaaso gobalka 7aad ee ugu dadka badan guud ahaanba dalkaasi, iyadoo sanadihii ugu dambeeyay lagu qiyaasayay Dadka ku nool gobalka Ohio iney ku dhaw yihiin ilaa iyo 12 milyan, waxaana Magaalooyinka Ugu dadka badan lagu sheegay inay yihiin Columbus, Cleveland, Cincinnati, iyo Toledo.
Sanadkii 2007 waxaa la xaqiijiyay wax ku dhaw 4% guud ahaan Dadka Ku dhaqan Gobalka Ohio iney dhalasho ahaan ka soo jeedaan Dalal dibedda ah.
Sanadkii 2008 ayaa la sheegay 5ta qowmiyadood ee ugu badan dadka Ku dhaqan Gobalka Ohio inay asal ahaan ka soo jeedaan dalalka:
1. German (28.9%);
2. Irish (14.8%);
3. English (10.1%);
4. Polish (8.4%);
5. Italian (6.4%).
Dhinaca kalana guud ahaan waxaa lagu qiyaasay dadka reer Ohio iney kasoo kala jeedaan qowmiyadaha kala ah

• 82.8% Caddaan (White).

• 11.8% Madaw (Black)

• 2.3 % Hispanic (Hispanic)
• 1.5% Asian ka soo jeeda dallaka Pacifiga.
• 1.3% Qawmiyado isku jira (Mixed Races)
• 0.2% American rasmiya iyo Alaskan rasmiya (American Native and Alaskan Native).
Dhinaca soomaalida, tan iyo wixii ka dambeeyay 1991 oo ay ahayd markii ay burburtay dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa jirey tiro farabadan oo soomaaliya oo ku biirtay qowmiyadaha kala duwan ee Gobalka Ohio.
Waxa lagu qiyaasaa Soomaalida ku dhaqan gobalka ohio in kabadan ilaa iyo 80 kun oo ruux iyadoo uu gobalka Ohio yahay gobalka 2aad ee ay soomaalidu ugu badan tahay dalweynaha mareykanka marka laga soo tago gobalka ay ku yaallaan Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minnesota (Twin City State of Minnesota).
Dhinaca dadka Madawga ah ee ku dhaqan gobalka Ohio ayay Soomaalidu waxay calanka u siddaa dhinaca ka qeyb galitaanka ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoo tiro aad u badan oo ardey Soomaaliya ay Dhigtaan Iskuuladda iyo jaamacadaha gobalka Ohio oo ay ugu Horeyso Jamaacadda Gobalka ee Ohio State University.
Caasimadda Gobalka Ohio ee Columbus waxaa ku dhaqan tiro aad u badan oo soomaaliya, iyadoo soomaalidu ay ku haysato ganacsiyo aad u farabadan oo gaaraya boqolaal xarumo ganacsi waxaadna Magaalada gudaheeda ku arkaysaa xarumaha loo dukaamaysiga tago iyo mukhaayado laga cunteeyo oo ay Soomaalidu ku leedahay Magaalada Columbus, waxaana xarumahaasi ka mida Global Mall, Westsite Mall, Jubba Mall, Westland Mall, Banadir Mall, African Paradise, Banadir Cuisine, Calanley iyo qaar kaloo farabadan.
Sare u qaadida luuqadaha loogu adeegayo bulshada reer Ohio iyo guud ahaanba Dalka Mareykan ayaa waxay Hayadda caymisku ku dhawaaqday dabayaqadii bishii tagtay ee Janaayo iyadoo sidoo kalana sii adkaysay bilawgii bishaan Feberaayo.
Luuqadaha ay sheegtay laantan in laga heli karo adeegooda ayay sheegtay in dadka ka shaqaynaya ay gaarayaan ilaa iyo 900 turjubaan, oo ku shaqaynaya ilaa iyo in ka badan 150 luuqadoodd.
Wakaaladda Caymiska ee Gobalka Ohio ayaa Shaaca ka qaaday In luuqadaha laga heli karo xarumaheeda ay kamid yihiin luuqadaha Soomaaliga, Spanish, Faransiiska, Cantonese(Luuqad ay ku dhadlaan dad Shiinaha asal ahaan ka soo jeeda), German, talyaani, Russian, iyo waliba Portuguese.
Dadka hela adeegyada ay bixiso xarunta caymiska ee gobalka Ohio ayaa arintani aad ugu riyaaqay iyadoo ruux waliba uu fursad u helayo in markaasi loogu adeego luuqadiisa 1aad, waxayna Hayadda Caymiska Ohio ku boorisay dadka ay u adeegto iyo dhamaan dadka jecel iney ogaadaan hawlada Hayaddani ay bixiso iney Saacad wallba La soo xiriiri karaan taleefanka lambarkiisu yahay1-800-686-1526, sidoo kalana wixii raba faahfaahin dheeraada ay ka heli karaan fadhiga internetka ay ku leeyihiin hayadda Caymiska ee Gobalka Ohio oo cinwaankeedu yahay www.insurance.ohio.gov

Abdiqafar Ahmed Shire.
Madaxa Bartamaha Bariga Afrika.