Amnesty International oo alshabaab ka dalbaday sii deynta saxafi lagu xirey degmada marka

Posted on Feb 24 2010 - 12:08pm by News Desk
Tweet
Pin It

amBartamaha(Nairobi):-Hay’ada Xuquuqda Aadanaha Ee Amnetsy International ayaa ka dalbatay Kooxda Alshabaab in ay sii daayaan wariye ku xiran Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose.

Hay’ada Amnetsy International waxay sheegtay in ay alshabaab sharci daro ku xereen warier 40-Jir ah oo daganaa Walaweyne kuna xereen meel ka baxsan Degmadaasi.

Wariye Cali Yuusuf Aadan ayaa Ciidamada Alshabaab ay ka soo xereen Degmada Walaweyne 21-Bishan markii uu soo tabiyay warar xaqiiqda ku salaysan oo deegaanka ka dhacay.

Hay’adu waxay sheegtay in xariga wariyaha uu yahay ka soo horjeeda Xuriyada Saxaafada loona baahanyahay in la soo daayto saxafigaasi si uu howshiisa u wato.

Inta badan Dhinacyada Soomaaliya isku haya ma qadariyaan suxufiyiinta koox walbana waxa ay beegsataa saxafiyiinta marka ay ka waayaan wax walba oo lagu raali galinayo maamul ahaantooda.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.