Hay’ada UNHCR oo soo bandhigtay warbixin ka hadlaysa dadkii isaga barakacy Magaalada Muqdisho.

Posted on Feb 13 2010 - 6:59pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha(Geneva):-Hay’ada Qaxootiga Adduunka Ee UNHCR ayaa sheegtay in ay sii badanayaan dadka isaga cararaya Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka baqanaya Dgaal dhexmara Dowladsa iyo Mucaaradka.

UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku muujisay dadka isaga baracay todobaadkii ugu danbeeyay kuwaasi oo ka baqanay dagaal xoogan oo magaalada ka dhaca.

Afhayeenka UNHCR Melissa Fleming ayaa sheegay in ay ogaadeen in labadii todobaad ee ugu danbeeyay Muqdisho ay isaga carareen in ka badan 8-Kun oo daganaa Deegaanada laga yaabo in uu dagaalka saameeyo.

UNHCR ayaa tilmaamtay in torada Barakacayaasha ay sii badanayaan xilli waliba oo ay dhaqdhaqaaq dagaal ka dareemaan Magaalada Muqdisho iyadoo inta badan Magaalada ay noqotay mid cidla ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.