Gudoomiye Dhuub oo lagu casumay xaflada British Arab Association oo lagu qabtey magaalada London (SAWIRO)

Posted on Jul 9 2010 - 7:01pm by News Desk
Tweet
Pin It

34606_406444098019_586623019_4544707_1944096_nLondon 09/07/2010 — Ururka British Arab Association oo ka dhisan dalka Britian ayaa xaflad weyn ugu sameeyay  Hotelka Landmark oo ku yaal duleedka magaalada London dhamaan safiirada dalalka Jaamacada Carabta  ka jooga dalkan Ingiriiska, waxaana horkcayay safiirka Arab League Dr.Ader Babasil, iyadoo marti sharaf ka ahaa xaflada Shadow Foreign Secretary UK Mr.David Millaband.

Xafladaten waxaa lagu martiqaadey markii ugu horeysay xubno ka socday   Xafiiska xiriiriyaha Jaaliyada Qurbajoogta  Soomaaliyeed ee UK ahna wakiilka Dowlada Soomaaliya mudane Gudoomiye C/qaadir Ali ‘’Dhuub’’ ayna wehliyaan Mudane Xarbi Cali Kulane, Mudane C/risaq Aden iyo Khadiijo Mohamed Ahmed, kuwasoo si diiran loogu soo dhaweeyay xaflada dalalka Carabta.

Mudane C/qaadir dhuub ayaa iisheegay isaga iyo xubnihii la socdey intii ay xaflada socotey  kulamo kale duwan la qaateen safiirada dalalka Jaamacada Carabta ee fadhigoodu yahay magaalada London, islamarkaana ay la kulmeen shadow Ministerka arimaha dibadda dalka Ingiriiska mudane David Millaband, kuwasoo ay ka wada hadleen arimaha Soomaaliya iyo xaalada Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Britian.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda England ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii xalay xafladda khudbadda ka jeediyay kulanka, wuxuuna muujiyay dowrka ay jaaliyadaha carab Ingiriiska ah uga jiraan dalka UK.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay gudoomiyaha Xiriirka Jaaliyadda UK u qaabilsan Dowladda Soomaaliya Mudane Abdulkadir Adan Ali (Dhuub) oo sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain ay ka qeyb qaadanayaan wanaajinta xiriirka u dhaxeeya jaaliyadaha Carabta iyo dodyowga iyo dowladda Britain.

Wuxuu sidoo kale mudane Dhuub ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay, isagoo Safaradaha Carabta iyo madaxda UK u qeexay qorshaha Dowladda Soomaaliya iyo Jaaliyadaha dibaddu ku xoojinayaan dadaalka nabadeed ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale qeexay caqabadaha hor taagan Dowladda Soomaaliya iyo baahida loo qabo in beesha Caalamku ay taageeraan dowladda KMG ee Soomaaliya si ay ugu guuleysato xalka dalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa sanadkiiba mar ka dhaca dalka Britain, waxaana sanadkaan lagu casuumay xafiiska Soomaalida ee UK, ayadoo looga hadlo sanad kasta xoojinta xiriirka umadaha Carabta ah iyo bulshada Ingiriiska.

Jaaliyada Soomaalida degan dalkaan oo ka mid jaaliyadaha Carabta iyo Afrikaanka ee sida balaaran u degan dalkaan Britian ayaa aad u soo dhaweysay kaalinta xafiiska jaaliyada Soomaaliyeed  iyo dhaqdhaqaaqyada u wado islamarkaana waxay ugu baaqayaan in la xoojiyo taageerada xafiiska si wax badan uga qabtaan dhibaatooyinka jaaliyada haysta.

Burburkii dalka Soomaaliya kadib 20 sanadood ayay jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Britian nasiib u heshay in dowlada Soomaaliyeed ka furto magaalada London xafiis loogu soo hagaago arimaha Soomaalida, xafiiskaas sida muuqato aqoonsi buuxa ka helay dowlada Ingiriiska iyo dalalka Caalamka safaaradahooda degan magaalada London.

W/D:Yusuf Yusuf

[email protected]

Nijmegen

Holland