Gudoomiyaha Maxkamadaha Gobolka Hiiraan oo shaaca ka qaaday in aanu marnaba ka tanaasulin jagadaasi isagoo sheegay in Muqdisho uu u yimid wadatashi madaxda dowlada Fd Soomaaliya.

Posted on Jul 6 2009 - 6:51am by News Desk
Tweet
Pin It

macow1Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh C/raxmaan Mocow oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha G/Hiiraan oo haatan ku sugan Magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay markii ugu horeysay imaanshihiisa Caasimada Muqdisho isagoo sheegay in uu u joogo wada tashi uu la yeelanayay madaxda dowlada Fd Soomaaliya oo uu shalay oo kaliya uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka Arimaha Gudaha.

Sheekh C/raxmaan Macow ayaa waxa uu beeniyay in aanay jirin wax khilaaf xagga maamulka ah oo ka taagan Magaalada B/Weyne isagoo sheegay in ay jiraan qaar ka mida xubnaha maamulkiisa kuwaasi oo iskod isaga tagay magaaladaasi iyo maamulkii ay nka hayeen balse taasi aanay ahayn maamulkiisa oo khilaaf soo kala dhexgalay.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale gaashaanka u daruuray in uu u yimid Muqdisho sidii uu u buuxin lahaa jagadii uu ka dhintay wasiirkii Amniga ee dhawaan la dilay taasi oo uu sheegay in ay tahay mid ka dhexeysa beesha uu ka soo jeedo ee B.weyne dagta isla mar’ahaantaana uu tilmaamay in aanu xiligan arintaasi magaalada Muqdisho u imaanin.

Sheekh C/raxmaan Mocow oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in madaxda dowlada uu kala hadlayay qaabka maamulka Gobolkiisa uu uga shaqeeyo magaaladaasi isagoo sheegay in uu doonayo sidii dowlada uu iskaashi ula yeelan lahaa taasi oo uu ku qeexay mid muhiimadeeda leh iskaashi ay la yeeshaan dowlada soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Gudoomiyaha Maxkamdaha Hiiraan ayaa ku soo aadayasa xilli inta badan xubnaha maamulkiisa maxkamadaha raacsanaa ay iska casileen jagooyinkii ay ka haleen maxkamadaha dowlada raacsan ee Gobolka Hiiraan iyadoo qaarkood ay u biireen Kooxda Xizbul Islaam ee ku sugan Galbeedka magaaladaasi ka dib markii la bahiyay Khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay Maamulkii Yuusuf Dabageed iyo midka maxkamahada Islaamiga ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.