Bartamaha  (Hargaysa):- Gudoomiyaha Magalaada Hargaysa ayaa ka badbaaday isku day dil ay la damacsanaayeen kooxo hubaysan oo doonayay in ay ka taqalusaan.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Magaalada  Hargeysa C/rashiid Beergeel uu ka badbaaday dill ala damacsanaa.
Sida warku sheegayo Afar nin oo dhalinyaro ah oo ku hubeysan mindiyo dhaadheer ayaa maqribnimadii xalay ku weeraray suuqa weyn ee magaalada Hargeysa Gudoomiyaha xilli uu suuqa dhex marayay.
C/rashiid Beergeel oo falkaasi kadib saxaafadda Hargeysa la hadlay ayaa qiray in weerarkaasi uu la kulmay balse aanu ogayn sababta ay ku soo maageen naftiisa kooxdaasi.
Gudoomiyaha waxa uu qirtay in noloshiisa uu kala baxday raggii doonayay in ay dilaan isagoo xusay in Ciidanka ay ku raad joogaan raga weerarkaasi ku soo qaaday naftiisana doonayay in ay gooyaan.
Gudoomiyaha waxa uu xisay in uu gacmihiisa isaga difaacay raggaasi islamarkaana uu dhaawac gaarsiiyay nin ka mida raggi soo weeraray oo hadda la ogaaday reerka uu ka dhashay oo dagan magaalada Hargaysa.
Ciidanka Magaalada Hargaysa ayaa ku daba jira raggii kale ee doonayay in ay dilaan masuulkaasi madaxda ka ah Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland oo ilaala la’aan socda gudaha magaalada balse haatan halis galay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika